Wednesday, March 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kullan looga hadlayey xoojinta Amniga oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo “Sawirro”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Kullan looga hadlayey xoojinta Amniga oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankaan oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan maamuladda Puntland iyo Galmudug saraakiil ka socatay hay’adda socdaalka Aduunka ee IOM saraakiisha ciidanka booliiska Gobalka mudug ee labada dowlad Gobaleed  iyo ururda dhalinyarada iyo haweenka Gobalka mudug ayaa lagu soo bandhigay qaabka dhismaha xarunta nabada Gobalka mudug oo ka mida dhismaha mashaariicda wadaaaga ah ee loogu tala galay xoojinta amniga iyo nabad Galyada Gobalka mudug.

Ilhaan cali goosaar oo ka mid aheyd saraakiishii ka socatay hay adda IOM ee iyadu wada qaar ka mida mashaariicda wadaagaa ayaa ugu horeyn kulanka ka hadashay iyadoona sheegtay in hay’adda IOM ay diyaar u tahay wax kasta oo qeyb ka geysan kara sii xoojinta amniga iyo nabad galayada iyadoona ka codsatay madaxdii shacabkii kulanka ka qeyb galay in ay kasii shaqeeyaan mira dhalka nabada Galkacyo sidoo kalana ay door ka qaataan amniga iyo nabad galyada guud ahaan soomaaliya.

Related posts

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 3, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado  biyo ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado biyo ah

March 3, 2026

Gudoomiyaasha dagmada Galkacyo ee puntland iyo Galmudug Xirsi Yuusuf Barre iyo Saahid Maxamuud cali ayaa iyaguna kulanka ka hadlay iyagoo ka warbixiyay ahmiyada ay mashaariicda wadaagaa u leeyihiin nabada Gobolka waxaana ay sheegeen in mashaariicda wadaagaa ee laga wado hirgalintooda magaalada Galkacyo ay yihiin kuwo wax weyn kusoo kordhinaya amniga iyo nabad galyada maadaama ay yihiin wax la wada leeyahay isla markaana la wada ilaashanayo iyagoona xusay in ay wax weyn ka badalan yihiin mashaariicda horumarineed ee la kala leeyahay.

Kulan oo intii uu socday ay ka hadleen xubnihii matalayay ururda dhalinyarada iyo haweenka Gobalka oo iyagu si isku mid ah usoo dhaweeyay qorsha lagu xoojinayo nabad galyada ayaa waxaa gunaanadkii ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka mudug ee puntland Xasan C/llaahi warsame iyo gudoomiyaha Gobalka mudug ee Galmudug C/raxmaan Cali diiriye Isxal waxaana ay uga mahad celiyeen hay’adda IOM hirgalinta dhismaha xarunta nabada Gobalka mudug.

Dhismaha xarunta nabada Gobalka mudug ayaa markii u horeeysay waxaa dhagax dhigay madaxweynaha jamhuuriyada fadaraalka soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo

W/Q Wariye C/risaaq Maxamed Axmed (cabdirisaaq Galkacyo)

Previous Post

R/wasaare ku-xigeenka XFS oo Muqdisho ku soo xiray Shir Sanadeedkii Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka iyo Kuwa Dowlad Goboleedyada

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay furitaanka Madasha Iskaashiga Afrika iyo Japan”Sawirro”

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay furitaanka Madasha Iskaashiga Afrika iyo Japan”Sawirro”

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay furitaanka Madasha Iskaashiga Afrika iyo Japan”Sawirro”

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 3, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado  biyo ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado biyo ah

March 3, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Abaaraha Galmudug, ayaa maanta gaaray Degmada...

Abshir Cukaash oo dil toogasho lagu xakumay

Abshir Cukaash oo dil toogasho lagu xakumay

March 3, 2026
0

Abshir Cukaash Cabdi oo Ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa lagu eedeeyay In uu si kas ah u dilay Daahir...

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐇𝐒𝐉 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐄𝐫𝐠𝐚𝐲𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦ad𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐇𝐒𝐉 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐄𝐫𝐠𝐚𝐲𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦ad𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲

March 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa xafiiskiisa kula kulmay Ergayga Gaarka ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In