Tuesday, January 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo Khudbad ka jeediyay fadhiga gaarka ah ee Arrimaha geeska Afrika ee madasha TICAD+ Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo Khudbad ka jeediyay fadhiga gaarka ah ee Arrimaha geeska Afrika ee madasha TICAD+ Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane; Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbad ka jeediyey shirka nabadda iyo xasilloonida geeska Afrika ee qeybta ka ah fadhiyada Madasha Iskaashiga Waddamada Afrika iyo Japan (TICAD).

Wuxuuna Madaxweynuhu soo bandhigay fursadaha ganacsi iyo kuwa maalgashi ee ka jira guud ahaan Dalalka Geeska Afrika.

Related posts

Soomaaliya iyo Turkiga oo bilaabay Hirgelinta heshiiskii Iskaashiga ee 2016-ka

Soomaaliya iyo Turkiga oo bilaabay Hirgelinta heshiiskii Iskaashiga ee 2016-ka

January 13, 2026
Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

January 13, 2026

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in lagu Garab istaago Waddamada Geeska Afrika qorsheyaashooda horumarineed, laguna dhiirri geliyo tallaabooyinka hor-u-socodka ah ee ay qaadeen oo salka ku haya deris-wanaagga, iskaashiga iyo isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed.

“Waxaan si cad u qeexayaa in qorshaheenna muddada fog uu ku qotomo sidii aan mar labaad u soo celin lahayn kaalinta uu dalkeennu ku leeyahay Geeska Afrika, arrinkaas oo aan ka sameynay billow fiican, kaddib markii aan hormuud ka noqonnay dedaalladii dib u heshiisiineed iyo kuwa iskaashiga Saddex geesoodka ah ee Dalalka Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya.”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si gaar ah ugu soo dhaweeyey fadhigan wafdiga Dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo ka soo qeyb galay shir-doceedkan ku saabsanaa arrimaha Geeska, isagoona adkeeyey doorka wax-ku oolka ah ee dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ay ku leeyihiin dhaqaajinta hayaanka horumarinta Gobolka.

Fadhigan gaarka ah waxaa si wadajir ah u guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raiisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya Mudane Abiye Axmed.

Waxaana kulanka ka qeyb galay Raiisul Wasaaraha Dalka Japan, Shinzo Abe, Guddoomiyaha Midoowga Afrika, Mussa Faqi, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey , Antonio Guterres, Madaxweyne Kuxigeenka Dalka Koonfurta Suudaan ,James Wani Igga, Wasiirrada Arrimaha Dibadda Dalalka, Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka arrimaha dibedda Ereteriya, Cusmaan Saalix, wasiirka arrimaha dibedda Kenya Marwo; Monica Juma, Madaxda Hay’adaha Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, daneeyeyaasha Gobolka, maalgashadeyaal caalami ah iyo khuburo dhaqaale oo lagu marti qaaday Madasha.

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka hadlay muhiimadda shir-weynaha dib u heshiisiinta Galmudug+Sawirro

Next Post

Pakistan oo tijaabisay gantaalada casriga ah ee balaastikada.

Next Post
Pakistan oo tijaabisay gantaalada casriga ah ee balaastikada.

Pakistan oo tijaabisay gantaalada casriga ah ee balaastikada.

Soomaaliya iyo Turkiga oo bilaabay Hirgelinta heshiiskii Iskaashiga ee 2016-ka

Soomaaliya iyo Turkiga oo bilaabay Hirgelinta heshiiskii Iskaashiga ee 2016-ka

January 13, 2026
0

Magaalada Ankara ayaa lagu qabtay munaasabad lagu saxiixayay hirgelinta heshiiskii iskaashiga (MoU – June 2016) ee u dhexeeyay Wasaaradda Shaqada...

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

January 13, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Meru Mutuma M'Ethingia iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya ee...

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

January 13, 2026
0

Kulanka Golaha Wasiirrada Boqortooyada Sacuudiga, oo uu shir-guddoominayay Boqor Salmaan bin Cabdulcasiis Aala Sacuud, ayaa si cad u muujiyay in...

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

January 13, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey go'aanka Golaha Xukuumadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In