Wasaaradda Caafimaadka qeybteeda nafaqada ayaa waxa ay soo gabagabeysay tababarka tijaabinta manhajka iyo qalabka Shaqaalaha Caafimaadka Bulshada.
Tababarkani oo soconayay muddo 2 todobaad ah ayaa ujeedkiisu ahaa in latijaabiyo Manhajka si loo xaqiijiyo inuu xambaasran yahay aqoontii looga baahnaa Shaqaalaha Caafimaadka Bulshada iyo in fikir laga qaato sida ugu sahlan ee loo gudbin karo tababar noocan oo kale ah.