Thursday, July 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Ku Guuleystay In Heshiis Nabadeed Laga Gaaro Colaaddii u Dhexeysay Bulshada Huurshe iyo Xeraale “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Ku Guuleystay In Heshiis Nabadeed Laga Gaaro Colaaddii u Dhexeysay Bulshada Huurshe iyo Xeraale “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa goob joog ka noqday saxiixa heshiis nabadeed oo ay gaareen bulshada ku nool deegaannada Xeraale iyo Huurshe ee gobalka Galguduud.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo u mahad celiyay dhammaan dhinacyadii ka qayb qaatay in lagu guuleysto dhammeynta colaadda dhiigga badani ku daatay iyo saxiixa heshiiska bogga iyo nolosha cusub abuuraya, ayaa bulshada Huurshe iyo Xeraalle kula dardaarmay in ay ilaaliyaan oo aan dib loogu laaban colaaddii, lagana barto casharro nololeed.

Related posts

Shaqsiyaadkii kaalinta muuqata ka qaatay xuska Toddobaadka Xorriyadda oo xaflad loo qabta

Shaqsiyaadkii kaalinta muuqata ka qaatay xuska Toddobaadka Xorriyadda oo xaflad loo qabta

July 8, 2026
IGAD oo Dardargelinaysa Taageerada Ansixinta iyo Dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee Soomaaliya

IGAD oo Dardargelinaysa Taageerada Ansixinta iyo Dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee Soomaaliya

July 8, 2026

Heshiiska dhex maray bulshada Xeraale iyo Huurshe ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in uu taariikhda dalka baal dahab ah ka gelayo, waxa uuna bulshada Galmudug iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay uga daydaan geesinnimada lagu dhammeynayo colaadaha, deegaan kasta oo colaad ay ka jirto lasoo af-jaro, nabaddana la qaato si horumar loo gaaro.

Odayaasha labada dhinac ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uga mahad celiyey dadaalladiisii hagar la’aaneed oo ugu dambeyn sababay in reer Xeraale iyo Huurshe ay wada saxiixaan Heshiiska nabadeed oo bilaaw u ah nolol iyo iftiin cusub oo ay ku naaloodaan dad walaala ah oo ku kala irdhoobay colaadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ballan qaaday in dowladda Soomaaliya ay qaadeynso dowrka uga aadan hir-gelinta qodobada heshiinska nabadeed ee wadajirka ay qalinka ugu duugeen reer Huurshe iyo reer Xeraale.

Previous Post

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay dhibaatada lagu hayo Soomaalida kunool K/Afrika

Next Post

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirshabeelle oo dhagax dhigtay Xarunta degmada Raaga-ceelle.

Next Post
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirshabeelle oo dhagax dhigtay Xarunta degmada Raaga-ceelle.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirshabeelle oo dhagax dhigtay Xarunta degmada Raaga-ceelle.

Shaqsiyaadkii kaalinta muuqata ka qaatay xuska Toddobaadka Xorriyadda oo xaflad loo qabta

Shaqsiyaadkii kaalinta muuqata ka qaatay xuska Toddobaadka Xorriyadda oo xaflad loo qabta

July 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa xaflad abaalmarin iyo maamuus ah u qabtay haldooradii...

IGAD oo Dardargelinaysa Taageerada Ansixinta iyo Dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee Soomaaliya

IGAD oo Dardargelinaysa Taageerada Ansixinta iyo Dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee Soomaaliya

July 8, 2026
0

Urur-goboleedka Iskaashiga Horumarinta Bariga Afrika (IGAD) ayaa Arbacadii sii xoojiyey dadaallada uu ku taageerayo Soomaaliya sidii loo dardargelin lahaa ansixinta...

DAAWO SAWIRRADA: Howlgalkii Ciidanka Ay Kula Wareegeen Kuntuwaareey Iyo Carruur Ay Soo Furteen

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaariijta

July 8, 2026
0

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidamada Ammaanka Jubbaland, ayaa waaberigii maanta howlgal ka dhan ah maleeshiyaadka...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha CXDS oo kormeeray Dugsiga Tababarka Qorilow

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha CXDS oo kormeeray Dugsiga Tababarka Qorilow

July 8, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In