Sunday, March 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xukuumadda oo War Kasoo saartay Dhibaatooyinka K/Afrika”Dhageyso”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Dowladda FS oo war ka soo saartay dhacdadii Baydhabo ka dhacday
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa bogaadiyay howlaha shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed, isagoo dhanka kale faah faahin ka bixiyay warsaxaafadeedkii ay dowladda kaga hadleysay dhibaatada lagu hayo muwaadinta Sooomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika ku nool.

“Shaqo maalmeedka caadiga ah ee aan ka hayo Wasaaradda ayaan idinku soo booqday Istuudiyaha, waxaan bogaadinayaa howlaha 24-ka saac ee ay Shaqaalaha Wasaaradda u hayaan bulshada Soomaaliyeed ee dhanka wacyigelinta, runtii shalay Warsaxaafadeed ayay Wasaaraddu ka soo saartay in dadkeeda lagu waxyeeleeyo dalka Koonfur Afrika, waxaana ka codsanaya inay dowladda Koonfur Afrika damaanad qaaddo shacabka Soomaaliyeed iyo hantidooda”.ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta oo hadalkiisa ku daray “Waxaan sidoo kale la xiriirna Safaaradda aan ku leenahay dalka Koonfur Afrika, kuwaasi oo aan ku amaarnay inay u adeegaan ganacsatada Soomaaliyeed”.

Related posts

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

March 21, 2026
Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

March 21, 2026

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in qadiyadda Midab takoorka lagu hayay shacabka Koonfur Afrika ay dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed door muhiim ka qaateen sidii loola dagaalami lahaa midab kala sooca, waxaana uu intaa ku daray in abaalka Soomaaliya loogu badalo dil iyo boob loo geysanayo Jaaliyadda Soomaaliyeed aysan ahayn mid lawada sugayay.

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si toos ah ula hadashay madaxda Koonfur Afrika, isla markaana ay ku dadaali doonaan sidii dhibaatooyinka wax looga qaban lahaa.

Halkan ka dhageyso 

https://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2019/09/CODKA-WASIRKA-WSARADA-WARFAFINTA-DHAQANKA-IYO-DALXISKA-05-09-2019.mp3
Previous Post

Wafdi heer sare ah kana socda QM iyo Bankiga Adduunka oo kusoo wajahan Muqdisho

Next Post

Dhageyso:Guddoonka Golaha Shacabka ayaa bogaadiyey dadaallada dib u heshiisiinta ee Ra’isulwasaaraha XFS ka wado Galmudug.

Next Post
Guddoomiye Ku-xiggeenka Labaad ee Golaha Shacabka  oo Hambalyo u diray Madaxweynaha Puntland iyo Ku-xiggeenkiisa.

Dhageyso:Guddoonka Golaha Shacabka ayaa bogaadiyey dadaallada dib u heshiisiinta ee Ra'isulwasaaraha XFS ka wado Galmudug.

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

March 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden, Cabdikarin Axmed Maxamed, ayaa toddobaadkan waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyay Madaxweynaha Finland, Alexander Stubb....

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

March 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th March, 2026 Read here..... 1- President Hassan Sheikh Mohamud...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

March 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Ciidul Ftriga kula tukadey degaanka Gendershe Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo...

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

March 20, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, isla markaana ku guda jirta Todobaadka Gurmadka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In