Saturday, August 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta &Tiknolojiyada XFS oo shir caalami ah uga qeyb-galay dalka Hungary “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
September 9, 2019
in Wararka
0
Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta &Tiknolojiyada XFS oo shir caalami ah uga qeyb-galay dalka Hungary “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Eng. Cabdi Cashur Xasan ayaa shir caalamig ah uga qeybgalaya dalka Hungury,kaasi oo looga hadlayo arrimaha Tiknolojiyada Caalamiga ah.

Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan iyo wafdigiisa waxa ay ka qeyb galeen furitaanka Bandhigga iyo Shirweynaha Isgaarsiinta Caalamiga ah ee (ITU Telecom World), Bandhiggan oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn oo ay isugu yimaadaan qeybaha kala duwan ee Isgaarsiinta iyo dowladaha caalamka ayaa ka furmay Magaalada Budapest ee caasimadda Dalka Hungary,kaasi oo socon doono 9/ilaa 12 Bishan September 2019.

Related posts

Wasiirka Caafimadka XFS “Dowladda waxaa ka go’an tayeynta isbitaalada iyo hirgalinta kuwo cusub”

Wasiirka Caafimadka XFS “Dowladda waxaa ka go’an tayeynta isbitaalada iyo hirgalinta kuwo cusub”

August 8, 2025
Ruushka oo cambaareysay qorshaha cusub ee Israel ku qabsaneyso Gaza

Ruushka oo cambaareysay qorshaha cusub ee Israel ku qabsaneyso Gaza

August 8, 2025

Munaasabadda Furitaanka shirweynahan ayaa waxaa ka sooo qeybgalay Xog-hayaha Guud ee Midowga Isgaarsiinta Adduunka (ITU) Mudane Houlin Zhao iyo Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Hungary oo martigeliyay shirweynahaasi Caalamiga ah.

Xubnaha Wafdiga Wasiirka oo uu ku Jiro Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Cabdi Sheekh Axmed ayaa waxa ay inta uu socdo bandhigga iyo Shirweynahan waxay ka qeyb galidoonaan shirar doceedyo u dhexeeya wafuudda ka kala socota Dowladaha ka qeybgalaya, Shirkadaha Tiknolojiyadda iyo quburo ku tashustay qeybaha kala duwan ee Isgaarsiinta,kuwaasi oo ay kala hadli doonaan fursadaha iyo mowduucyada sida gaar ah danaynta ugu leh dalkeena.

Dalka soomaaliya oo lagu tiriyo in uu kamid yahay wadamada soo koraya ayaa sanadihii ugu dambeyeye wuxuu sameynayay horumar dhanka Tiknolojiyada ah,iyadoo wasaaradda Boosatada,Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada Xukuumadda Soomaaliya ay ku guuleystay dib u soo celinta xubinnimadii Soomaaliya ee hay’addo badan oo caalami ah.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Dhagax Dhigay Waddo Laga Dhisayo Gudaha Magaalada Beydhabo “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Magaalada Beydhabo Ku Booqday Ciidamo Booliis Ah Oo Tababar Ku Jira “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Magaalada Beydhabo Ku Booqday Ciidamo Booliis Ah Oo Tababar Ku Jira “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Magaalada Beydhabo Ku Booqday Ciidamo Booliis Ah Oo Tababar Ku Jira "SAWIRRO"

Wasiirka Caafimadka XFS “Dowladda waxaa ka go’an tayeynta isbitaalada iyo hirgalinta kuwo cusub”

Wasiirka Caafimadka XFS “Dowladda waxaa ka go’an tayeynta isbitaalada iyo hirgalinta kuwo cusub”

August 8, 2025
0

Wasiirka Caafimadka XFS  Dr. Cali Xaaj oo ka qeybgalay kulanka todobaadka  waraahinta qaranka ayaa xusay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal...

Ruushka oo cambaareysay qorshaha cusub ee Israel ku qabsaneyso Gaza

Ruushka oo cambaareysay qorshaha cusub ee Israel ku qabsaneyso Gaza

August 8, 2025
0

Ku xigeenka Ergayga Ruushka ee Qaramada Midoobay Dmitry Polyanskiy ayaa cambaareeyay qorshaha Golaha wasiirada Israa’iil ay ku saxiixeen in ay...

Howlgal qorsheysan oo laga fuliyay Deegaanka Bariire

Howlgal qorsheysan oo laga fuliyay Deegaanka Bariire

August 7, 2025
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo caawa howlgal qorsheysan ka wada deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Dekedda Muqdisho ku soo dhaweeyay Safiirka Dowladda UK

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Dekedda Muqdisho ku soo dhaweeyay Safiirka Dowladda UK

August 7, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Dakhliga, Maamulaha Dekedda Muqdisho iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In