Thursday, October 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Booqday Ciidamo La Qarameynayo, Loona Diyaarinayo Xoreynta Deegaannada Argagaxisadu Uga Sugantahay Bakool “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Booqday Ciidamo La Qarameynayo, Loona Diyaarinayo Xoreynta Deegaannada Argagaxisadu Uga Sugantahay Bakool “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta booqasho ugu tegay ciidamada xoogga dalka ee qeybta ka qaatay xoreynta Xudur, Ciidamo ka tirsan Koonfur Galbeed iyo ciidamo tababar kasoo baxay, oo la qarameynayo si ay qayb uga noqdaan ciidanka xoogga dalka ee loo qorsheynayo xoreynta deegaannada argagaxisadu uga sugantahay gobalka Bakool.

Mudane Xasan Cali Khayre oo ay wehliyaan wasiirka difaaca dalka iyo madaxweynaha koonfur Galbeed oo ciidanka kula hadlay garoonka kubbada Cagta Dr. Waarebi ayaa sheegay in dhammaan ciidamada la qarameynayo, la qalabeynayo, xuquuqdoodona ay dowladdu bixineyso si ay cadawga uga dul-qaadaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan Tiyeglow iyo Rab-dhuurre.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa sheegay in muhiim ay tahay in lala shaqeeyo mas’uuliyiinta diiwaan gelinaya ciidamada, ee dhawaan imaanaya magaalada Xudur si ay ugu fududaato gudashada waajibaadka ka saaran qarameynta ciidamada.

Dowladda Soomaaliya oo wada dadaallo xooggan oo dib-u-baheyn loogu sameynayo ciidamada qaranka ayaa ku guuleystay tirinta ciidamada qalabka sida, bixinta xuquuqdooda, iyo daryeelkooda, waxa ayna horay u qarameysay ciidamo badan oo lagu biiriyay ciidamada qalabka sida ee dalka.

 

Previous Post

Taliska CXDS iyo Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose oo ballanqaaday in ay cirib tirayaan haraadiga Al-Shabaab

Next Post

Duqa Muqdisho oo la kulmay Ciidanka Ilaalada Deegaanka Xamar ee Munishiibiyo “SAWIRRO”

Next Post
Duqa Muqdisho oo la kulmay Ciidanka Ilaalada Deegaanka Xamar ee Munishiibiyo “SAWIRRO”

Duqa Muqdisho oo la kulmay Ciidanka Ilaalada Deegaanka Xamar ee Munishiibiyo "SAWIRRO"

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In