Ciidamada Qalabka sida qaybahooda Kala duwan ee Qaybta 21-aad ee xoogga dalka iyo NISA oo uu hogaaminayo Abaanduulaha Qaybta G/Le Aadan siyaad Cabdi ayna wehlinayaan Taliyaha Guutada 15.aad ee Qaybta 21.aad Gen, Masxuud Maxamed Warsame, iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdiraxmaan Geelle Bayr ayaa maanta gaaray Deegaano hoos yimaada Degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud.
Ujeedka Ciidamada Qaranka ay ugu baxeen deegaanadaasi hoos yimaada Degmada Balanballe ayaa ah baajinta dhiiga dadka Shacabka ah ee xoola dhaqatada ah oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay xiisado dhex maray ay ku dhinteen dad gaarayay ilaa sadex ruux waxaana dhaawacyo kala duwan ay ku gaareen tiro intaasi le’eg.
Saraakiisha Hogaaminaysa ciidamadan qalabka sida ayaa maanta kulan saacada qaatay la yeeshay Odayaasha iyo Waxgaradka Deegaanka #Oodaale, waxaana ay ku wargaliyeen in aan la ogolayn sii socoshada dilalka macna darada ah iyagoo la wadaagay oodayaasha in ciidamadu ay wadaan Hawlgallo lagu sugayo Amniga.
Odayaasha iyo Waxgaradka Deegaanka #Oodaale ayaa soo dhaweeyay Ciidamada iyo Saraakiisha, waxana ay u sheegeen inay diyaar u yihiin in dawladu ay ka howl gasho deegaanka si xal loogu helo dilalka deegaanka ku soo laab laabtay, waxay a dhinacooda Balan qaadeen inay xoojinayaan Nabad galyada diyaarna u yihiin inay kala.shaqeeyaan suurta galinteeda Ciidamada,
Intaa kadib Ciidamada ayaa u soo Amba baxay deegaanka #XirsiLugeey si ay ay ola wadaagaan Qorshaca socda ee lagu xoojinayo Nabadgalyada, waxaana Galabta ay gaareen Degmada Balanballe oo ay Maamulka Degmada, Odayaasha iyo Qaybaha kala duwan ayay kula Kulmeen kuwaa oo isla Fahmey Howsha Ciidamadu halkaa u tageen ee Nabadeynta Deegaanka .
Ciidamada Qalabka sida oo Masuuliyad ka saaran tahay Badbaadinta Nafta iyo Hantida Shacabka soomaaliyeed ayaa Kaalin mug leh ka qaadanaya in la Baajiyo Dhiig dambe oo ku daata Deegaanadaasi insha allaah.