Friday, July 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda qorshaynta Soomaliya iyo kuwa Dowlad goboleedyada oo ka wada hadlay qorshaha horumarinta Qaranka

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda qorshaynta Soomaliya iyo kuwa Dowlad goboleedyada oo ka wada hadlay qorshaha horumarinta Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan wada tashi ah oo ay wada yeesheen Wasaaradda qorshaynta Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka ayaa  lagu lafa guray halka uu marayo qorshaha horumarinta Qaranka.

Shirka Golaha horumarinta Qaranka ayaa si wayn looga hadlay diyaarinta qorshaha horumarinta oo heer gabo-gabo ah maraya, kaasi oo dhowaan lagu wado in la hor geeyo golaha Wasiirrada si ay u meel mariyaan.

Related posts

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

July 23, 2026
Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

July 23, 2026

Qorshahan ayaa sida ku cad waxaa ka mid ah siyaasadda deeqaha Caalamka uu siiyo Soomaaliya, kobcinta iyo horumarinta dhaqaalaha dalka , khayraadka, horumarinta wax soo saarka , dhismaha Waddooyinka , kaabayaasha dhaqaalaha, Shaqo abuurka Dhallinyarada, maalgashiga ganacsiga ,maaraynta Biyaha iyo xoojinta dowladnimada .

Wasiirka Wasaaradda Qoshaynta maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, mudane; Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in qorshahaan uu wax badan ka duwan yahay kuwii hore, maadaama ay haatan Soomaaliya ganacteeda ku sameeysaneyso si loogu saleeyo baahiyaha dalka ka jira.

Asad Yuusuf  Qanyare, Maareeyaha horumarinta qorshaha qaranka ayaa sheegay in ay maalmaha soo socdo ay horgayn doonaan qorshahaan golaha Wasiirada, si loo meel mariyo.

Golaha Wasiirrada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Novembar 2018kii kii meel mariyay geeddi socodka qorshaha Qaranka, kaas oo la doonayo in lagu shaqeeyo Shanta Sana ee soo socota.

Previous Post

Ra’iisul wasaaraha Qatar oo xafiiskiisa ku qaabbilay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya

Next Post

Shaqaale ka tirsan hay’adda socdaalka Soomaaliya oo uu tababar ugu furmay Denmark+Sawirro

Next Post
Shaqaale ka tirsan hay’adda socdaalka Soomaaliya oo uu tababar ugu furmay Denmark+Sawirro

Shaqaale ka tirsan hay’adda socdaalka Soomaaliya oo uu tababar ugu furmay Denmark+Sawirro

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

July 23, 2026
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta kulan la yeelatay bahda caafimaadka dalka oo isugu jira Hay’addaha caafimaadka dowladda...

Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

July 23, 2026
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa maanta gaaray Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud....

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka

July 23, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo...

Wasiirka Amniga XFS oo daah-furay Barnaamijka Iskaashiga Dhismaha iyo Xoojinta Amniga Xuduudaha

Wasiirka Amniga XFS oo daah-furay Barnaamijka Iskaashiga Dhismaha iyo Xoojinta Amniga Xuduudaha

July 23, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In