Friday, May 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Norway Oo Soomaaliya Ku Caawineysa Deyn Dhan $353 Milyan

admin by admin
October 10, 2019
in Wararka
0
Norway Oo Soomaaliya Ku Caawineysa Deyn Dhan $353 Milyan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War saxaafadeed rasmi ah ah oo maanta kasoo baxay wasaarada arrimaha dibadda dowlada Norway, ayaa lagu sheegay in Norway ay Soomaaliya siin doonto deyn gaareyso 3,1 bilyan oo lacagta Norwey ah, una dhiganta 353 milyan oo Doolar.

Norway ayaa sheegtay in deyntan ay ku caawineyso Soomaaliya, si ay isaga bixiso deynta looga leeyahay sanduuqa horumarinta Bankiga Aduunka ee loo yaqaan IDA. Taas oo Soomaaliya u sahli doonto in dib loogu furo Akoonkii(xisaabtii) ay ku laheyd sanduuqa horumarinta bankiga aduunka, looguna ogolaado soo qaadashada deyn cusub oo maalgalin la xiriirta.

Related posts

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

May 9, 2025
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

May 9, 2025

Wasiiradda arrimaha dibadda Norway, Ine Eriksen Søreide oo labo bil kahor booqasho ku tagtay magaalada Muqdisho, ayaa maanta saxaafada Norway u sheegtay in dhowrkii sano ee ugu danbeeyay ay Soomaaliya ka hirgashay xasilooni amni iyo mid siyaasadeed. Waxeyna dowlada Soomaaliya ku amaantay fulinta qorshayaasha amni iyo kuwa siyaasadeed ee dib loogu soo nooleynayon nidaamka maaliyadeed ee wadanka, kuwaas oo ay sheegtay inay muhiim u yihiin horumarka guud ee Soomaaliya.

Wasiiradda ayaa sidoo kale sheegtay in Soomaaliya ay wali ku sugantahay xaalad nugul, sidaas darteed deynta ay Norway ku caawineyso Soomaaliya, ay qeyb muhiim ah ka tahay dadaalka dib usoo noqoshada hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in deyntan aysan aheyn mid toos loo siinayo Soomaaliya, balse ay tahay mid Norway ay ku shubeyso sanduuqa horumarinta ee Bankiga aduunka, waxaana wixii intaas ka danbeeyo Soomaaliya u furmi doonto inay deyn ka qaadan karto sanduuqa horumarinta Bankiga Aduunka.

Deynta Soomaaliya looga leeyahay caalamka ayaa guud ahaan gaareyso 4,7 bilyan oo dollar. Waxayna Soomaaliya dhowrkii sano ee ugu danbeeyay dadaal xooggan ugu jirtay in loo sameeyo deyn cafin, si ay ugu furmaan suuqyada maaliyeed ee caalamka, una hesho maalgalin iyo dib usoo kabasho dhaqaale. Soomaaliya ayaa hada kasoo gudubtay sadex kamid ah afartii imtixaan ee shuruuda looga dhigay, si deynta lagu leeyahay looga cafiyo.

Sadex meelood meel kamid ah(1/3) deynta Soomaaliya lagu leeyahay, ayaa waxaa iska leh hey´addaha maaliyadeed ee aduunka, gaar ahaan Bankiyada horumarinta dalalka, hey´adda lacagta (IMF) iyo Bankiga Aduunka. Si Soomaaliya ay ugu suurtagasho barnaamijka deyn cafinta, waxaa waajib ahayd in marka hore la bixiyo lacagaha deymaha ah ee Soomaaliya ay ku leeyihiin hey´addahaas.

Norway ayaa maanta sheegtay inay Soomaaliya ku caawineyso bixinta deynta looga leeyahay Sanduuqa horumarinta ee Bankiga Aduunka, sidoo kale waxey Norway sheegtay in dowlada UK ayaa ayadna dhankeeda bixin doonta deynta Soomaaliya looga leeyahay Bankiga horumarinta Afrika. Waxaana dhiman oo kali ah wadan sadexaad oo bixiya ama damaanaq qaada deynta Soomaaliya looga leeyahay hey´adda lacagta aduunka ee IMF.

Wasiirka deeqaha iyo horumarinta Dag-Inge Ulstein Norway, ayaa maanta sheegtay in hadii sadexdaas deynmood meel la saaro, ay Soomaaliya toos u gudbeyso wareega ugu danbeeya ee kama dambeysta ah ee barnaamijka deynta cafinta dalalka saboolka ah ee deymaha badan lagu leeyahay HIPC (Highly Indebted Poor Countries Initiative).

Wasaarada arrimaha dibadda Norway ayaa sidoo kale sheegtay in bilowga sanadka danbe ee 2020 magaalada Paris lagu qaban doonto shirka go´aan ka gaarista barnaamijka deynta cafinta Soomaaliya. Waxeyna Norway rajo wanaagsan ka muujiyay in Soomaaliya laga cafin doonto deynta lagu leeyahay, hadii ay kasoo baxdo shuruudaha dhiman ee ku xiran heshiiska qorshaha deyn cafinta ee u dhaxeeyo Soomaaliya iyo IMF.

Wasiirka Deeqaha Norway Dag-Inge Ulstein ayaa dhanka kale sheegay in Norway ay Soomaaliya ka cafin doonto 16 milyan $ oo ay horey ugu laheyd, marka bilowga sanadka danbe la isugu imaado kulanta ka dhici doono magaalada Paris.

Norway ayaa kamid ah wadamada Soomaaliya siiya deeqaha ugu badan, waxeyna Norway sanadkii lasoo dhaafay ugu deeqday 62 milyan oo dollar.

Link: https://www.regjeringen.no/no/aktuelt/pm_somalia/id2673476/

Previous Post

Shirka Maamulada gobolada iyo degmooyinka KGS oo lagu soo gabagabeeyey Magaalda Beydhabo+Sawirro

Next Post

Golaha Wasiirrada Oo Ansixiyay Hubinta Iyo Tirakoobka Shaqaalaha Dowladda Iyo Xeer Nidaamiyaha Machadka Caafimaadka Dalka

Next Post
Shirka Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay Oo Looga Hadlay Xulashada Hannaanka Federaalaynta Maaliyadda “SAWIRRO”

Golaha Wasiirrada Oo Ansixiyay Hubinta Iyo Tirakoobka Shaqaalaha Dowladda Iyo Xeer Nidaamiyaha Machadka Caafimaadka Dalka

ogeysiis dadweyne

ogeysiis dadweyne

May 9, 2025
0

Lifaaqa 3 - Ogeysiis Dadweyne   Lifaaqa 4 - Application Form_SOM

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

May 9, 2025
0

Ugu yaraan 48 qof ayaa la soo wariyay in ilaa hadda la dilay ,iyadoo 32 ka mid ah lagu dilay...

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

May 9, 2025
0

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud oo la hadlay wabaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay dhibaatooyinka gaarka ah...

Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay inay shaqaaleysiiso ku dhawaad 10-kun oo dhalinyaro ah

Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay inay shaqaaleysiiso ku dhawaad 10-kun oo dhalinyaro ah

May 9, 2025
0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada XFS ayaa horumar ka sameysay heshiiska shaqaaleysiinta dhallinyarada Soomaaliyeed, si kor loogu qaado fursadaha shaqo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In