Sunday, October 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Gargaarka XFS oo maanta deeq gaarsiisay Cisbitaalka dhimirka Xabeeb

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Gargaarka XFS oo maanta deeq gaarsiisay Cisbitaalka dhimirka Xabeeb
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda gargaarka iyo maareynta masiibooyinka Xukumadda Federaalka Soomaaliya ahna kusimaha Wasiirka Xildhibaan Cabdirashiid Maxamuud Xasan ayaa maanta deeq raashin oo ka kooban Bur, Bariis Sokor Saliid Timir Bustooyin iyo shandarooyinka laga xero kaneecada gaarsiiyay cisbitaalka dhimir Dr xabeeb ee Magaalada Muqdisho,
Cabdiraxmaan Xasan Cawaale Dr Xabeeb ayaa ka mahadceliyay deeqdaan waxaana uu sheegay in ay bilaw utahay gargaarka ay u baahnaayeen dadka dhimir la’a ee ku jira Cisbitaalka ,waxaana uu intaa ku daray in Wasaaradda gargaarka ay uga soo jawaabtay si dhaqso .

“ Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka XF Soomaaliya waxa ay baaqeyna uga soo jawaabtay 48 sacaadod gudahooda waxaana uga mahadcelineynaa agabyada kale duwan ee inoo keentay hase yeeshee wali waa u baahanhay gargaarka dadka Soomaaliyeed meel wabo oo ay joogaan” sidaas waxaa yiri Cabdiraxmaan Xasan Cawaale Dr Xabeeb.

Related posts

Hay’addaha Qaxootiga Qaranka iyo UNHCR oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc taageero dhaqaale

Hay’addaha Qaxootiga Qaranka iyo UNHCR oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc taageero dhaqaale

October 19, 2025
Dowladda oo gacanta kusoo dhigtay eedeysane baxsada ka ahaa hay’adaha Cadaaladda

Dowladda oo gacanta kusoo dhigtay eedeysane baxsada ka ahaa hay’adaha Cadaaladda

October 19, 2025

Wasiir Cabdirashiid Maxamuud Xasan ayaa sheegay in Wasaaradu ay u taagantahay in la garab istaago dadka baahiyaha gaarka qabo islamarkaana ay ka warqabi doonaan bukaanada ku jira Cisbitaalka qeybtaan ay tahay biloow.

“Dowladda iyo xukumaddiba waxaa ay u taaganyihiin inay ka jawaabaan baahiyaha bulshada, qeybtaan maanta ay keenay waa bilaaw ,waana ka warqabi doonaa xaalada dadka dhimirka la’a ee ku jira Cisbitaalada Dr xabeeb, waana u mahadcelineynaa sida uu bulshada Soomaaliyeed ugu adeegay” ayuu yir wasiir ku xigeenka Wasaaradda gar garaka Cabdirashiid Maxamuud Xasan.

Labo maalin ayaa laga joogaa markii uu baaq ku aadan in laga jawaabo baahiyaha heysta dadka dhimirka la’ ee ku nool magaalada Muqdisho ka dib munaasabad lagu xusayay maalinta Caalamiga ee Xanuunka dhimirka oo lagu qabtay Magaalada Muqisho taasi oo ku beegneyd 12 octobar ee bishaan.

Previous Post

Md. Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta Calanka.

Next Post

Ra’iisulWasaare ku-xigeenka dalka oo furay shirka wadatashiga dhammeystirka Siyaasaddaqaran ee deegaanka

Next Post
Ra’iisulWasaare ku-xigeenka dalka oo furay shirka wadatashiga dhammeystirka Siyaasaddaqaran ee deegaanka

Ra’iisulWasaare ku-xigeenka dalka oo furay shirka wadatashiga dhammeystirka Siyaasaddaqaran ee deegaanka

Hay’addaha Qaxootiga Qaranka iyo UNHCR oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc taageero dhaqaale

Hay’addaha Qaxootiga Qaranka iyo UNHCR oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc taageero dhaqaale

October 19, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka iyo Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR ayaa si wadajir ah u daah-furay mashruuc taageero...

Dowladda oo gacanta kusoo dhigtay eedeysane baxsada ka ahaa hay’adaha Cadaaladda

Dowladda oo gacanta kusoo dhigtay eedeysane baxsada ka ahaa hay’adaha Cadaaladda

October 19, 2025
0

RADIO MUQDISHO(RWANDA):-Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo kaashanaya Booliska Soomaaliya qeybta la shaqeysa Booliska Caalamiga ah ayaa dalka Rwanda...

Shir looga hadlayay xoojinta amniga xuduudaha oo Lagu qabtay Muqdisho

Shir looga hadlayay xoojinta amniga xuduudaha oo Lagu qabtay Muqdisho

October 19, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Shirka xoojinta amniga xuduudaha dalka ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, waxaana shir guddoomiyey...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo gaaray Dalka Jabuuti

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo gaaray Dalka Jabuuti

October 19, 2025
0

RADIO MUQDISHO(JABUUTI):- Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa gaaray...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In