Wednesday, June 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhismaha Garoonka Kubadda Cagta magaalada Gaalkacyo oo meel wanaagsan maraya+Sawirro

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Dhismaha Garoonka Kubadda Cagta magaalada Gaalkacyo oo meel wanaagsan maraya+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kadib markii Ra’Iisul wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre uu bixiyey lacagtii uu u balan qaaday in xukuumaddu ay uga qayb qaadanayso dhismaha garoonka kubadda cagta cabdullaahi ciise ee magaalada Gaalkacyo ayaa madaxda wasaaradda ciyaaraha iyo dhalinyarada Galmudug waxa ay sheegeen in meel wanaagsan uu marayo qorshii lagu dhisi lahaa garoonka iyada oo ay ku hawlan yihiin guddi wasaaradda ciyaaraha  Galmudug u xilsaartay dhismihiisa.

Agaasimaha Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada galmudug Cumar Cabdi Maxamed oo lahadlay wakaaladda wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in magaalada Gaalkacyo uusan ku oolin garoon ku wanaagsan ciyaaraha xilligaana guddiga uxilsaaran dhismaha garoonku ay ku mashquulsan yihiin meel wanaagsana  ay wax umarayaan garoomada lagu ciyaari jiray oo bacaad ahaa ayaa laga maarmayaa marka rooga la saaro garoonka

Related posts

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026

Qorshaha lagu dhisayo garoonkan oo soo bilawday sanadkii hore  ayuu Cumar Cabdi sheegay in fursad weyn ay u tahay dhalinyarada soomaaliyeed  ciyaarahana horumar laga sameeyey Galmudug maadaama uu yahay mid aad u weyn waqti dheerna lagu ciyaarayey

Garoonka cabdullaahi Ciise ee magaalada Gaalkacyo oo ubaahnaa dayactir waxaa ku ciyaara kooxo kala duwan oo ka jira magaalada Gaalkacyo xilliyada qaarna waxa lagu qabtaa ciyaaraha gobollada ee wasaaradda ciyaaraha Galmudug marti geliso bahda ciyaaraha ayaa sugayey in ay helaan garoon ku haboon ciyaaraha waana tallaabo dhanka horumarka loo qaaday in la hirgeliyo Garoon caalami ah magaalada Gaalkacyo.

Previous Post

Dhacdadii 14kii Oktoobar oo Laba Gu’ Jirsatay.

Next Post

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo diray fariin ku aadan Xuska 14-ka Oktoobar

Next Post
Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo diray fariin ku aadan Xuska 14-ka Oktoobar

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo diray fariin ku aadan Xuska 14-ka Oktoobar

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali Yaasin Gurbe, ayaa maanta ka qeyb galay shir heer sare ah...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – 2 Juun 2026: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa...

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

June 2, 2026
0

Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo loogu furay tababar lagu xoojinayo fahamkooda ku aaddan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay Kulanka Wasiirrada Afrika la yeesheen Madaxweyne Lee Jae-myung

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay Kulanka Wasiirrada Afrika la yeesheen Madaxweyne Lee Jae-myung

June 2, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka qeyb galay kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In