Tuesday, July 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Saraakiil ka socotay Madaxtooyada oo shir wada tashi la qaatay Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Saraakiil ka socotay Madaxtooyada oo shir wada tashi la qaatay Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada oo uu hoggaaminayo Kusimaha Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Ahna Agaasime Ku xigeenka Mudane Cabdullaahi Sheekh Cabdikariim ayaa Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda kulan kula qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed kheyr Cali iyo dhammaan Agaasimeyaasha Wasaaradda.

Kulanku inta uu socday waxaa laga wada hadlay qorsheyaasha booqasho ee Madaxda dalka iyo marti qaadyada caalamiga, dadaallada martigelinta shirarka caalamiga ah iyo sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa hannaanka habmaamuska ee dowladda.

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS oo saxiixday buugga tacsida ee Amiirkii hore ee Qatar

Wasiirka Qoyska XFS oo saxiixday buugga tacsida ee Amiirkii hore ee Qatar

July 14, 2026
Safiirka Soomaaliya ee Sweden oo booqasho tacsiyeed ku tegay Safaaradda Qatar ee Stockholm

Safiirka Soomaaliya ee Sweden oo booqasho tacsiyeed ku tegay Safaaradda Qatar ee Stockholm

July 14, 2026

Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa la wadaagay masuuliyiinta ka socotay Madaxtooyada ballamaha iyo booqashooyinka Madaxweynaha ee muddada soo socota, qorsheyaasha xoojinta xiriirka caalamiga ah iyo sidii kor loogu qaadi lahaa wadashaqeynta shaqaalaha Madaxtooyada iyo kuwa Wasaaradda ee ay shaqo wadaagga yihiin.

Kulankan dhinaca Madaxtooyada waxaa ka socday Agaasime Ku xigeenka Madaxtooyada Mudane Cabdullaahi Sheekh Cabdikariim, Agaasimaha Habmaamuuska Madaxtooyada Mudane Cabdi Cumar Cali, Agaasime Ku xigeenka Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdirishiid Maxamed Xaashi.

Previous Post

Ciidanka Booliska Dhuusamareeb oo Gacanta ku dhigay Waxyaabaha Maanka Dooriya iyo Dadkii ka Ganacsanayey “Sawirro”

Next Post

Taliska Ciidanka Xoogga dalka oo beeniyay in Ciidammadu ay ka baxeen deegaanka Ceelka Geelow

Next Post
Taliska Ciidanka Xoogga dalka oo beeniyay in Ciidammadu ay ka baxeen deegaanka Ceelka Geelow

Taliska Ciidanka Xoogga dalka oo beeniyay in Ciidammadu ay ka baxeen deegaanka Ceelka Geelow

Wasiirka Qoyska XFS oo saxiixday buugga tacsida ee Amiirkii hore ee Qatar

Wasiirka Qoyska XFS oo saxiixday buugga tacsida ee Amiirkii hore ee Qatar

July 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta ku saxiixday buugga...

Safiirka Soomaaliya ee Sweden oo booqasho tacsiyeed ku tegay Safaaradda Qatar ee Stockholm

Safiirka Soomaaliya ee Sweden oo booqasho tacsiyeed ku tegay Safaaradda Qatar ee Stockholm

July 14, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Sweden Cabdikariin Maxamed ayaa booqasho tacsiyeed ku tagay Safaaradda Dowladda Qatar ee Stockholm,...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kulan la qaadatay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Pakistan

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kulan la qaadatay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Pakistan

July 14, 2026
0

Islamabad, Pakistan – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta...

DfS oo Golaha ECOSOC ku soo bandhigtay horumarka ay ka gaartay dhaqaalaha, amniga

DfS oo Golaha ECOSOC ku soo bandhigtay horumarka ay ka gaartay dhaqaalaha, amniga

July 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdi Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa khudbad rasmi...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In