Taliska Ciidanka Booliska ee magaalada Dhuusamareeb ayaa amar kasoo saaray dadka hubka ku dhex wata magaaladaas taas oo dhanka Amniga wax badan u dhibeysa.
Siloo xaqiijo Amniga ayuu Talisku warkaan u soo saaray, Taliya Saldhigga Booliska Dhuusamareeb Gaashaanle Cabdullahi Xasan Macalin ayaa sheegay in Boolisku shaqooda qabsan doonaa.
Waxaa uu Boolisku sheegay in cidkasta oo isku dayda in amarkaas ka hortimaad sharciga horgeyn doonaan, Amniga Dhuusamareeb ayuu taliyuhu sheegay in haatan aad u wanaagsan yahay balse loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo.
Xiliyadda qaar ayaa Bartamaha xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa lagu arkaa rag aanan ku labis nayn dareeska ciidanka kuwaas qoryo ku dhexwata Dhuusamareeb sababta uu amarkaas u soo saaray Booliska ayeyna taas laxiriirtaa.