Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ka hadlay xaaladaha bini-adanimo ee ka jira gobolada Hiiraan iyo Baay

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ka hadlay xaaladaha bini-adanimo ee ka jira gobolada Hiiraan iyo Baay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaanada Golaha Shacab Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kalafadhiga lixaad kulankii afaraad,kaasi oo uu shirguddoominayay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha mudane Cabdiweli Sheikh Ibraahim Muudeey.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa kulankooda maanta waxay kaga hadleen fatahaadda uu wabiga shabeelle ka sameeyay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan iyo sidoo kale daadad ka dhashay roobab ka da’ay gobolka Baay,kaasi oo sababay in dad shacab ah ka barakacaan deegaano ka tirsan degmada Bardaalle ee Gobolka Baay.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Xildhibaan Farxiya Muumin Cali ayaa mudanayaasha ka hor sheegtay dhibaatooyinka dadka shacab ah ka soo gaaray Fatahaadda iyo daadadka ka dhashay roobabka ka da’ay qeybo ka mid ah gobolka Baay,waxayna ku baaqday in si deg deg ah dadkaasi loogu gurmado.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Ibraahim Muudeey ayaa sheegay in golaha shacabka ay mas’uuliyad gaar ah ka saran tahay in dadkaas loo gurmado.

Dhinaca kale, Xildhibaan Nuur Siidow Baaba ayaa golaha horgeeyay warbixin ku saabsan xaaladaha deegaan doorashadiisa oo ah degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose.

Ugu dambeyn,Guddoomiayaha Guddiga Maaliyadda,Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee gobolka shacabka xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Siraaji ayaa golaha u faah faahiyay akhrinta 2-aad ee wax ka bedelka sharciga furdooyinka oo uu guddiga wax ka bedel ku sameeyay.

Xildhibaanada golaha shacabka qaar ka mid ah ayaa aragtiyadooda ka dhiibtay wax ka bedelka sharcigan lagu sameeyay,waxaana guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee golaha shacabka mudane Cabdiweli Sheikh Ibraahim Muudeey oo kulanka soo xiray uu u mahad celiyay xildhibaanada aragtiyadooda oo uu sheegay in guddiga looga baahan yahay inay tixgeliyaan fikradaha xilhibaanadda.

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Sucuudiga xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo arrimo muhiimad u leh labada dal. 

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay kadib ka qeybgalkii Shirkii Africa iyo Ruushka

Next Post
President Farmajo travels to Sochi, Russia to Attend the Russia-Africa Forum (RAF).

Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay kadib ka qeybgalkii Shirkii Africa iyo Ruushka

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In