Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiru Dowlaha iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada JFS oo la kulmay Danjireyaasha Sweden iyo Jarmalka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasiiru Dowlaha iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada JFS oo la kulmay Danjireyaasha Sweden iyo Jarmalka ee Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi) iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dr.Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) oo kulammo gaar gaar ah la kala yeesha Danjireyaasha Jarmalka iyo Sweden ee Soomaaliya ayaa uga warbixiyey xaaladda adag ee ka dhalatay fatahaadaha wabiga ee Gobollada Hiiraan, Bakool iyo Gedo.

Agaasimaha Madaxtooyada ayaa la wadaagay Danjireha Boqortooyada Sweden Mudane Staffan Tillander dadaallada joogtada ah ee Dowladdu ay ku bixinayso kobcinta dhaqaalaha, Amniga iyo dib u heshiisiinta, isagoo tilmaamay in ay muhiim tahay in lagu gacan siiyo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed sidii ay uga gudbi lahaayeen caqabadaha ku xeeran.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

Sidoo kale, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo Danjireha dalka Jarmalka ee Soomaaliya Marwo Annette Gunthe  ayaa isla qaabeeyey hannaanka xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee labada dal iyo sidii loo dardargalin lahaa qorsheyaasha iskaashi ee horay ay isula garteen labada dowladood.

Dhankooda, Danjireyaashu waxay uga mahadceliyeen hoggaanka Madaxtooyada soo dhaweynta wanaagsan iyo sida ay garab ku siinayaan gudashada waajibaadkooda inta ay ku sugan yihiin Soomaaliya.

 

Previous Post

UN, Somalia recommit to end the recruitment and use of child soldiers

Next Post

Dowladda oo lacago ugu deeqday dadka ay saameeyeen fatahaadaha

Next Post
Dowladda FS oo lagu ammaanay sida ay uga go’antahay ka gun-gaaridda qorshaha deyn cafinta

Dowladda oo lacago ugu deeqday dadka ay saameeyeen fatahaadaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In