Gudoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha iyo Maailyadda ee Aqalka sare Cabdi Axmed Dhuxulow, Xubno ka tirsan Aqalka Sare iyo Wasiirada Maalyadda ee Dowlad Goboleedyada iyo sharci yaqaano ayaa ka qeyb galay kulan ย ka qabsoomay magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland.
Ujeedada kulanka ayaa ku saabsanaa Dhageysiga talooyinka Dowlad Goboleedyada ee ย Sharciyada kala ah Sharciga Maareentaย Maalyadda,Sharciga Hanti Dhorka Guud ee Qaranka, Sharciga Iibka Qaranka ,Sharciga Canshuurahaย Furdooyinka iyo .
Xubanaha ka socda maamul goboleedyada ayaa inta uu kulankan socdo talooyin iyo fikrado ku darsan doona sharciyadan oo ka dib dib loogu celin doono golaha aqalka sare si ay u meelmariyaan.
Gudoomiyaha Guddiga dhaqaalaha iyo maaliyadda Aqalka sare ayaa ugu horey Ka hadlay ujeedada kulankan.iyo ahmiyadda uu u leeyahayย maamul goboleedyada
Wasiirka Maalyadda Dowlad Goboleedka Buntland ayaa u mahad celiyay Guddiga maalyadda Aqalka Sare wuxuuna sheegay Inay taageerayaan ย In la helo ย wax Soomaali oo dhan dan u ah.
Sharciyadda Maareentaย Maalyadda,Sharciga Hanti Dhorka Guud ee Qaranka ,Sharciga Iibka Qaranka , iyo Sharciga Canshuurahaย Furdooyinka ย ayaa horey loo marsiiyay Golaha shacabka iyo golaha Wasiirada waxaana la filayaa ย in kadib marka lasoo dhameeyo wadatashigan lala yeelano dowlad goboleedyada In dib loogu soo celiyo golaha aqalka sare si ay u meel mariyaan kadibna ay ugu dambeyn ugu gudbiyaan madaxweynaha Soomaaliya oo isna saxiixi doono si ay ansax u noqdaan sharciyadan.