Wednesday, March 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hadal-jeedinta Marwada koowaad ee dalka oo Mareykanka ka wadda olole loogu gurmanayo dadka ay Fataahaddu saameysay

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Hadal-jeedinta Marwada koowaad ee dalka oo Mareykanka ka wadda olole loogu gurmanayo dadka ay Fataahaddu saameysay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Assalaamu calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu

Salaan kaddib,

Related posts

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

March 4, 2026
Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 3, 2026

Farxad bay ii tahay inaan idinku soo booqdo magaalada Columbus si aan idin kala qayb qaato munaasabaddan aan ugu gurmanayno walaalaheenna Soomaaliyeed ee ay saameeyeen fatahaadaha ka dhacay Degmooyinka Beledweyne, Bardaale, Baardheere iyo meelaha kale oo ay dhibaatooyinku ka dhaceen.

Runtii markii uu dhibka dhacay waxaan la soo xiriiray dhallinyarada gobolka oo ay hormuudka u yihiin gabdhaha Soomaaliyeed ee hortayda ka muuqda iyo ganacsatada magaaladan si aanan uga harin gurmadka shacabka Soomaaliyeed ay gees ka gees dunida ka wadaan.

Maanta oo kale waxaa nalooga baahanyahay midnimo, istaageerid, samafal iyo in kuweena wax haysta ay gacan ka gaystaan gurmadkaas.

Dadka Soomaaliyeed waligoodba waxay caan ku ahaayeen is taakuleynta, maantana kumaba sii jirto oo 70kun oo qoys wax ka badan ayaa magaalooyinkaas ka barakacay.

Alle S.W.T wuxuu xadiisul qudsi ku yiri “dhulka isugu naxariista si aan samada idin kaga naxariisto.” Musiibadan waa mid lagu tijaabinayo dadkeenna maanta aan haysan wax ay cunaan iyo meel ay seexdaan. Walaalayaal, Eebe hanagu asturo xilkaas na sugaya iyo waajibaadka naga saaran inaan u gurmanno hooyooyinka iyo carruurta dibad yaalka ah.

Aniga ka Marwo ahaan waxaan halkan idiinku imi oo aan safar dheer  usoo galay inaan hormuud idiinku noqdo hawshan, waxaan sidoo kale tagayaa gobollo kale si aan u dardargeliyo hawshan aan caawa halkan ka bilownay.

Hooyooyinka Soomaaliyeed ee halkan jooga waxaa idin saaran waajib gooni ah sababta oo ah dhibaatooyinka Soomaaliya ka jira cidda ugu badan ee ay ku dhacayso waa hooyo Soomaaliyeed, waa carruur Soomaaliyeed, waa dadka nugul. Aan gacmaha isqabanno oo aan sidii nalagu yaqaannay hawshan dadaal badan galinno.

Alle waxaan uga baryayaa in shacabka Soomaaliyeed  ee ay daadadku barakiciyeen inuu culeyska ka dulqaado, waxaana idinka codsanayaa in dhaqaalo aruurintan loo xil saaro guddi si hufan u maamula oo gaarsiiya dadka ugu baahida badan.

Previous Post

Wasiirka Shaqada XFS oo kormeeray dib u dhiska ka socda Xarunta Wasaaradda+Sawirro

Next Post

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Kheyre oo gaaray dalka Faransiiska.

Next Post
Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Kheyre oo gaaray dalka Faransiiska.

Wafdi uu hoggaaminayo Ra'iisul Wasaare Kheyre oo gaaray dalka Faransiiska.

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

March 4, 2026
0

Muqdisho, Maarso 03, 2026: Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax Axmed Jaamac, iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir...

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 3, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado  biyo ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado biyo ah

March 3, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Abaaraha Galmudug, ayaa maanta gaaray Degmada...

Abshir Cukaash oo dil toogasho lagu xakumay

Abshir Cukaash oo dil toogasho lagu xakumay

March 3, 2026
0

Abshir Cukaash Cabdi oo Ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa lagu eedeeyay In uu si kas ah u dilay Daahir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In