Wednesday, February 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Guutada 7aad qeybta 60aad ee CXD oo si rasmi ah xilka ula wareegay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Taliyaha Guutada 7aad qeybta 60aad ee CXD oo si rasmi ah xilka ula wareegay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xarunta Taliska guutada 7aad ee ciidanka Xoogga Dalka ee Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa maanta lagu qabtay munaasabad uu xilka kula wareegayay Taliyaha guutada 7aad qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Gaashaanle Dhexe Cumar Cabdiraxmaan Abuukar, iyadoo munaasabadda xil wareejinta ay ka qeyb galeen saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo marti sharaf kale.

Gaashaanle Sare Xasan Maxamed Abuukar (Xasan Jaamici) Taliyihii hore ee guutada 7aad qeybta 60aad ee ciidanka oo xilka wareejiyay ayaa ka sheekeeyay waxyaabaha u qabsoomay, isagoo u rajeeyay Taliyaha cusub in uu howsha halkiisa ka sii wado.

Related posts

Ra’iisul Wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi oo hambalyo u diray xubnaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi oo hambalyo u diray xubnaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

February 4, 2026
Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Xarun Waxbarasho oo laga hirgeliyay Garasbaalley

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Xarun Waxbarasho oo laga hirgeliyay Garasbaalley

February 4, 2026

Taliyaha guutada 7aad qeybta 60aad ee ciidanka xoogga dalka Gaashaanle Dhexe Cumar Cabdiraxmaan Abuukar ayaa balan qaaday in uu dar dargelin doono howsha loo igmaday ee horyaalla, waxaana uu ciidanka ka dalbaday inay u diyaar garoobaan sidii argagixisada Al-Shabaab looga ciribtiri lahaa guud ahaan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Gaashaanle Dhexe Cumar Cabdiraxmaan Abuukar oo horey xilal ciidan oo kala duwan u soo qabtay dowladda ayaa looga fadhiyaa in uu xoojiyo doorka uga aadan xoreynta goobaha Al-Shabaab ay kaga dhuumaaleysanayaan degaannada Gobolka Shabeelaha Hoose.

Previous Post

Guddomiyaha Gobolka Banaadir oo shaaciyay in uu guul ku soo dhamaaday shir uu uga qeyb galay Koonfur Afrika “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo shaagey in dhawaan ay bilaaban doonto soo xulista Baarlamanka  labaad ee KGS.

Next Post
Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo shaagey in dhawaan ay bilaaban doonto soo xulista Baarlamanka  labaad ee KGS.

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo shaagey in dhawaan ay bilaaban doonto soo xulista Baarlamanka  labaad ee KGS.

Ra’iisul Wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi oo hambalyo u diray xubnaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi oo hambalyo u diray xubnaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

February 4, 2026
0

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Geedi, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray xubnaha dhawaan loo doortay Guddoomiyaha,...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Xarun Waxbarasho oo laga hirgeliyay Garasbaalley

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Xarun Waxbarasho oo laga hirgeliyay Garasbaalley

February 4, 2026
0

Muqdisho, Febraayo 04, 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa hoggaamiyay munaasabad lagu...

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ku tallaabsanaya dhismaha guddi saaxiibtinimo oo Baarlamaan

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ku tallaabsanaya dhismaha guddi saaxiibtinimo oo Baarlamaan

February 4, 2026
0

Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Aljeeriya, Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego), ayaa ka qeyb galay kulan rasmi...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub iyo Taliyihii hore ee CXDS

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub iyo Taliyihii hore ee CXDS

February 4, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 04 Febraayo 2026 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilka u kala...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In