Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kulan gaar ah la leh Madaxweyneyaashii hore ee Dalka, sida uu Wakaaladda SONNA u xaqiijiyay Cabdinuur Maxamed Axmed agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Qaranka
Ajendaha ugu weyn ee kulanka u dhexeeya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynayashii hore Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ah arrimaha doorashooyinka Dalka ee 2020โka.
Waxaa sidoo kale lagu gorfeeynayaa kulanka sidii ay Madaxweynayaashii hore ee Dalka Xukuumadda ugula shaqayn lahaayeen hannaan doorasho oo hufan, isla markaana ah Qof iyo cod ay Dalka uga dhici lahayd, si awoodda dib loogu celiyo shacabka Soomaaliyeed, una doortaan madax iyo Xildhibaanno iyaga si toos ah wakiil uga noqda.