Xildhibaannada Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan magaalada Muqdisho.
Kulanka maanta ee xildhibaanada ayaa Ujeedkiisu wuxuu yahay su,aalo weydiinta Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed Abuukar Islow โDucaalleโ iyo Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada, mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad โOomaarโ.
Xildhibaannada Golaha shacabka ayaa Wasiiradda amniga iyo Gaadiidka Xukuumadda Soomaaliya su,aallo ka weydiin doona arrimo la xariira masโuuliyadda ay shacabka Soomaaliyeed u haayaan iyo sidii loola xisaabtami lahaa.