Wednesday, March 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka oo ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo Colaadda Gobolka Mudug

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
DAAWO: Wasaaradda Arrimaha gudaha oo ku baaqday joojinta colaadda gobolka Hiiraan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka Mudane Ismaaciil Macalin Muuse ayaa sheegay inay ka walwalsanyihiin colaadda ka soo cusboonaatay Gobolka Mudug, isla markaana ay ku baaqayaan in si deg deg ah oo sharuud la’aan ah lagu joojiyo dagaalka.

Guddoomiyaha oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay inay wadaan dadaallo ay kula xiriirayaan Odoyaasha dhaqanka beelaha walaalaha ah ee ay colaaddu ka dhexeyso, ayna dhankooda dalbanayaan in la qaato baaqa ah in dagaalka la joojiyo.

Related posts

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

March 25, 2026
Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

March 25, 2026

“Dagaaladaas waxa ay dhexmarayaan dad ehel ah, isku deegaan ah, isku dhaqan ah iyo isku dhalasho ah, waxaana ku baaqaynaa inay si deg deg ah oo sharuud la’aan ah ay ku joojiyaan colaadda ka soo cusboonaatay Afbarwaaqo iyo Towfiiq ee Gobolka Mudug”.ayuu yiri Guddoomiye Ismaaciil.

Mudane Ismaaciil Macalin Muuse ayaa xusay in waxgaradka deegaannadaas ay ka codsanayaan in dagaalka la joojiyo oo ay ka wada hadlaan waxkasta oo sababay gacan ka hadalka, si loo helo xal waara.

“Waxaan markale codsaneynaa in laa qaato baaqa ah joojiya xabadda, dagaal wiilbaa ku dhintee wiil kuma dhasho, runtii waxaan ka rajeyneynaa in Odoyaashu ay waxkasta ku dhameeyaan miiska wada hadalka” ayuu yiri Guddoomiyaha Dib u heshiisiinta Qaranka.

 

Previous Post

Dowladda Soomaaliya iyo Midawga Yurub Oo Ka Wada Hadlay Deyn Cafinta iyo Maal gelinta Qorshaha Dib-u-habeynta Amniga “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

March 25, 2026
0

Boqolaal qoys oo ka mid ah dadka ay saameysay abaarta daran ayaa gargaar biyo dhaamin ah laga gaarsiiyay deegaanno hoostaga...

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

March 25, 2026
0

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan caalami ah oo lagu qabtay dalka Shiinaha, iyagoo matalayay magaca iyo...

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

March 24, 2026
0

Cabdisalaam Maxamed Xasan, Cabdullahi Cusmaan Maxamed, Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr, Faadumo Cismaan Subeyr Cali iyo Leylo Seef Faarax Axmed, Ayaa...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

March 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In