Wadatashi ku aadan dib u-eegista waxyaabihii u soo qabsoomay sanadihii lasoo dhaafay Maamulka Hirshabeelle oo uu soo qaban qaabiyay Xafiirka Raโisul Wasaaraha Dalka ayaa lagu qabtay magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Kulanka wadatashiga ah oo ay ka qeyb galeen madaxda Hirshabeelle, odoyaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada ayaa diiradda lagu saaray doorka odoyaashu ay ku leeyihiin dhismaha maamulka.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Mudane Axmed Meyre Makaraan oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in wadatashigan uu yahay mid muhiim ah.
โIn la wada tashto waa wax aad u fiican, laga tashto wixii shalay qabsoomay, labada Gobol dhismahiisa dadkii ka qeyb qaatay ayaad tihiin, mana la inkiri karo kaalinta odoyaasha ay ka qaateen dhismaha Maamulkanโayuu yiri Axmed Meyre Makaraan.
Kusimaha Madaxweynaha Hirshabeelle ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Mudane Cismaan Barre Maxamed oo daah furay kulanka ayaa ka mahadceliyay qaban qaabada shirka wadatashiga ah ee looga hadlayo doorka odoyaasha dhaqanka.
โWaxaan uga mahadcelinayaa xafiiska Raโiisul Wasaaraha iyo kan Madaxweyaha labada qodob inay tahay kow doorka odoyaasha dhaqanka ay ku leeyihiin maamulka iyo xiriirka ka dhaxeeya maamulka iyo Odoyaasha, runtii tan iyo bur burkii dalka Odoyaasha dhaqanka ayaa door ku lahaa dhismaha dowladnimadaโ ayuu yiri Cismaan Maxamed Barre.