Thursday, October 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Boostada oo daah furtay wadatashi ku saabsan qabyo qoraalka siyaadaha Hirarka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Boostada oo daah furtay wadatashi ku saabsan qabyo qoraalka siyaadaha Hirarka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknaloojiyadda ee Xukumadda Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ka daah furtay shir wadatashi ah oo ku saabsan qabyo qoraalka Siyaasadaha Hirarka. Lambarada iyo isku xirka.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Boostada, isla marlaana socon doono muddo 30 cisho ah ayaa waxaa ka qeyb galay madax ka socotay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Wakiilo ka socday Shirkadaha Isgaarsiinta iyo marti sharaf kale.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa lagu soo bandhigay muhiimadda uu shirkan u leeyahay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan shirkadaha Isgaarsiinta Dalka, isla markaana la dhiiri geliyo in la qaato ruqsadda Isgaarsiinta, si loo helo adeegyo tayaysan oo la ogyahay.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda Mudnae Cabdicasiis Duwane Isaaq ayaa sheegay in ka qeyb galayaasha looga baahanyahay inay aragtidooda ku darsadaan shirka, isagoo xusay in wadatashigan loogu talagalay in lagu arruuriyo tallooyinka xubnaha ka qeyb galay.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Boostada ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bille Nuur oo daah furay shirka ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ku guuleysatay sharciga Isgaarsiinta Dalka, kaasi oo ay meel mariyeen Golaha Wasiirada, isagoo intaa ku daray in Wasaaraddu ay qeyb ka tahay halbeegyada Tubta Dhaqaaalaha, uuna rajeynayo in shirkan ay ka soo baxaan guulo wax ku ool ah.

Shirkan ayaa ugu dambeyn lagu wadaa in laga soo saaro Warmurtiyeed wax ku ool ah oo ku saabsan hannaanka loo wajahayo qabyo qoraalka Siyaasadaha, Hirarka, Lambarada iyo isku xira.

 

Previous Post

Shir looga hadlayo doorka Odoyaasha dhaqanka oo lagu qabtay Jowhar

Next Post

Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo gaaray Baydhabo

Next Post
Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo gaaray Baydhabo

Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo gaaray Baydhabo

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In