Monday, August 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo Muqdisho ka furay Shirka Madasha ganacsiga Soomaaliya iyo Talyaaniga+Sawirro

admin by admin
December 10, 2019
in Wararka
0
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo Muqdisho ka furay Shirka Madasha ganacsiga Soomaaliya iyo Talyaaniga+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Masuuliyiin ka tirsan dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga, wakiillo ka socday hay’adda UNIDO, xubno ka socday maamul Goboleedyada, ganacsato iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qeyb galay Shirkan oo cinwaan looga dhigay  Madasha ganacsiga Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyadoo u jeedkuna uu yahay xiriir ganacsi oo qotodheer oo dhexmara labada dhinac, ka shaqeynta kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya, xoojinta kaabayaasha dhaqaale, hirgelinta Warshado yar yar, iyo dhiirigelinta wax soo saarka dalka sida Beeraha, Kalluunka iyo xoolaha intaba.

Shirka oo socon doono muddo laba maalin ah waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo kaashaneysa hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan horumarinta Warshadaha ee UNIDO,waxaana daahfuray Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya mudane Cabdullahi Cali Xasan oo tilmaamay In Soomaliya ay kasoo gudubtay xilliyadii la kaalmeyn jiray haddana la joogo waqtigii ay Kheyraadkeeda ka faa’iideeysan laheyd.

Related posts

Ciidanka NISA oo soo bandhigay xubno katirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay dowladda

Ciidanka NISA oo soo bandhigay xubno katirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay dowladda

August 18, 2025
Ciidanka Xoogga oo howlgal Amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay Gobolka Shabeellada Hoose

Ciidanka Xoogga oo howlgal Amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay Gobolka Shabeellada Hoose

August 18, 2025

Guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed Maxamuud Cabdikariin Gabeyre ayaa ganacsatada ugu baaqay inay wada shaqeyn dhow la yeeshaan dhigooda  Talyaaniga si loo helo is dhexgal ganacsi oo horumar horseedi kara.

Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Mudane Alberto Vecchi ayaa sheegay inay rajeynayaan in dhamaadka shirkan ay kasoo baxaan waxyaabo wax ku ool u ah labada dhinac .

Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cabdullaahi Xaamud Maxamed ayaa tilmaamay inuu shirkan horseedi doono in suuqyo cusub ay helaan ganastada Soomaaliyeed.

Shirka Madasha ganacsiga Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa la filayaa Inuu horseed u noqdo kobac dhaqaale iyo Maalgelin si loo helo shaqo abuur loona yareeyo saboolnimada.

 

 

Previous Post

Consultation process for spectrum, numbering and interconnection policies launched

Next Post

Ganacsato Soomaaliyeed oo 14 tan oo Moos ah u dhoofisay dalka Turkiga+Sawirro

Next Post
Ganacsato Soomaaliyeed oo 14 tan oo Moos ah u dhoofisay dalka Turkiga+Sawirro

Ganacsato Soomaaliyeed oo 14 tan oo Moos ah u dhoofisay dalka Turkiga+Sawirro

Ciidanka NISA oo soo bandhigay xubno katirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay dowladda

Ciidanka NISA oo soo bandhigay xubno katirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay dowladda

August 18, 2025
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ee ka howlgala deegaannada Koonfur Galbeed ayaa magaalada Xudur kusoo bandhigay afar dhalinyaro ah...

Ciidanka Xoogga oo howlgal Amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay Gobolka Shabeellada Hoose

Ciidanka Xoogga oo howlgal Amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay Gobolka Shabeellada Hoose

August 18, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Cumar Beerre iyo deegaannada ku hareereysan oo ka tirsan Gobolka Shabeellada...

Danjiraha JFS ee Shiinaha oo lagu guddoomay nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga

Danjiraha JFS ee Shiinaha oo lagu guddoomay nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga

August 18, 2025
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, H.E. Dr. Hodan Osman Abdi, ayaa maanta magaalada Tokyo ugu gudbisay nuqul ka mid...

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐞𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐞𝐲 𝐇𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐧𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐀𝐝d𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 𝐞e 𝐖𝐅𝐏

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐞𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐞𝐲 𝐇𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐧𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐀𝐝d𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 𝐞e 𝐖𝐅𝐏

August 18, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatey Wakiilka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In