Wednesday, September 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo Muqdisho ka furay Shirka Madasha ganacsiga Soomaaliya iyo Talyaaniga+Sawirro

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo Muqdisho ka furay Shirka Madasha ganacsiga Soomaaliya iyo Talyaaniga+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Masuuliyiin ka tirsan dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga, wakiillo ka socday hayโ€™adda UNIDO, xubno ka socday maamul Goboleedyada, ganacsato iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qeyb galay Shirkan oo cinwaan looga dhigayย  Madasha ganacsiga Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyadoo u jeedkuna uu yahay xiriir ganacsi oo qotodheer oo dhexmara labada dhinac, ka shaqeynta kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya, xoojinta kaabayaasha dhaqaale, hirgelinta Warshado yar yar, iyo dhiirigelinta wax soo saarka dalka sida Beeraha, Kalluunka iyo xoolaha intaba.

Shirka oo socon doono muddo laba maalin ah waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo kaashaneysa hayโ€™adda Qaramada midoobay u qaabilsan horumarinta Warshadaha ee UNIDO,waxaana daahfuray Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya mudane Cabdullahi Cali Xasan oo tilmaamay In Soomaliya ay kasoo gudubtay xilliyadii la kaalmeyn jiray haddana la joogo waqtigii ay Kheyraadkeeda ka faaโ€™iideeysan laheyd.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Dalka Serbia

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Dalka Serbia

September 1, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐–๐š๐ซ๐Ÿ๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐๐ก๐š๐ฐ๐š๐š๐ช๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฌ๐ก๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ญ๐ข๐ซ๐š๐š๐ญ๐ข๐ข๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐—๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐–๐š๐ซ๐›๐š๐š๐ก๐ข๐ง๐ญ๐š ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”

September 1, 2026

Guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed Maxamuud Cabdikariin Gabeyre ayaa ganacsatada ugu baaqay inay wada shaqeyn dhow la yeeshaan dhigoodaย  Talyaaniga si loo helo is dhexgal ganacsi oo horumar horseedi kara.

Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Mudane Alberto Vecchi ayaa sheegay inay rajeynayaan in dhamaadka shirkan ay kasoo baxaan waxyaabo wax ku ool u ah labada dhinac .

Wasiiru dowlaha xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cabdullaahi Xaamud Maxamed ayaa tilmaamay inuu shirkan horseedi doono in suuqyo cusub ay helaan ganastada Soomaaliyeed.

Shirka Madasha ganacsiga Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa la filayaa Inuu horseed u noqdo kobac dhaqaale iyo Maalgelin si loo helo shaqo abuur loona yareeyo saboolnimada.

Previous Post

Consultation process for spectrum, numbering and interconnection policies launched

Next Post

Ganacsato Soomaaliyeed oo 14 tan oo Moos ah u dhoofisay dalka Turkiga+Sawirro

Next Post
Ganacsato Soomaaliyeed oo 14 tan oo Moos ah u dhoofisay dalka Turkiga+Sawirro

Ganacsato Soomaaliyeed oo 14 tan oo Moos ah u dhoofisay dalka Turkiga+Sawirro

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Dalka Serbia

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Dalka Serbia

September 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed barbar socday Shir-madaxeedka dalalka dhex-dhexaadka ah ee magaalada Belgrade,...

Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐–๐š๐ซ๐Ÿ๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐๐ก๐š๐ฐ๐š๐š๐ช๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฌ๐ก๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ญ๐ข๐ซ๐š๐š๐ญ๐ข๐ข๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐—๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐–๐š๐ซ๐›๐š๐š๐ก๐ข๐ง๐ญ๐š ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”

September 1, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud, ayaa ku dhawaaqay qabsoomidda Shirweynaha Madasha Qaran ee...

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa & wafdiga la socday oo kulamo la qaatay hayโ€™ado iyo shirkado dowladeed oo Qatar leedahay

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa & wafdiga la socday oo kulamo la qaatay hayโ€™ado iyo shirkado dowladeed oo Qatar leedahay

September 1, 2026
0

Intii uu ku guda jiray booqashadiisa rasmiga ah ee dalka Qatar, Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

MADAXWEYNAHA JFS OO KHUDBAD KA JEEDIYAY SHIRKA DALALKA DHEX-DHEXAADKA AH

MADAXWEYNAHA JFS OO KHUDBAD KA JEEDIYAY SHIRKA DALALKA DHEX-DHEXAADKA AH

September 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay Shirka Dalalka dhex-dhexaadka ah oo maanta ka furmay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In