Monday, December 22, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi Xildhibaanno ah oo si diiran loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wafdi ka socda Wasaaradda Qorsheynta oo gaaray Dhuusamareeb
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Golaha Aqalka sare iyo Golaha Shacabka ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Xildhibaannada oo kala ah Senator Cabdi Axmed Dhuxulow, Senator Yuusuf Geelle Ugaas iyo Xildhibaan Nadiifo Faarax Jaamac oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa markii ay gaareen magaalada Dhuusamareeb waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qeybaha bulshada.

Related posts

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

December 22, 2025
Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

December 22, 2025

Senator Cabdi Axmed Dhuxulow oo hogaaminayay wafdiga Xildhibaannada ayaa tilmaamay in haatan uu meel gabo gabo ah marayo dhismaha dowlad Goboleedka Galmudug, ayna ku faraxsanyihiin ka qeybgalka iyo la socodka hannaanka uu u socda dhismaha Galmudug.

“Markale ayaan dhuusamareeb ku soo noqonay, marar badanna waa lagu soo noqon doonaa, Galmudug waa loo dhanyahay, laguma kala harsana, looma kala maqna, Madax sar sare way naga dambeysaa oo waa ay imaan doonaan, musharixiintuna waa ay imaan doontaa, waxaan leenahay Galmudug ha guuleysato” ayuu yiri Senator Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer.

Yuusuf Geelle Ugaas ayaa bulshada deegaannada Galmudug ku booriyay inay ku dadaalaan wada jirka oo ay ka qeyb qaataan dhismaha Galmudug loo dhanyahay.

“Wada hadal dheer ka bacdi Ilaahey waxa uu nagu guuleeyay in uu is afgarad ka dhacay, in maanta Galmudug oo loo dhanyahay ay meesha ka dhalaneyso, waxaan Alle ka rajeyneynaa in qeybaha inta ka dhiman in uu Alle noo dhameystiro, anagu waxaan horu dhac u nahay wafuud badan oo halkan imaan doonto” ayuu yiri Senator Yuusuf Geelle Ugaas

Xildhibaan Nadiifo Faarax Jaamac oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka mahadcelisay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay magaalada, waxaana ay Alle ka bariday inay guul ku soo dhamaato dhismaha Galmudug oo loo dhanyahay.

 

 

Previous Post

Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose oo qiimeyn ku sameynaya saameeynta fatahaadda Webiga Shabeelle

Next Post

Wasiirka Difaaca iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo hortegay Golaha Shacabka “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Difaaca iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo hortegay Golaha Shacabka “SAWIRRO”

Wasiirka Difaaca iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo hortegay Golaha Shacabka “SAWIRRO”

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

December 22, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa 21-kii Diseembar 2025 fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah khawaarijta, kaas oo ka dhacay...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

December 22, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si diirran loogu...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

December 22, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan doceed kula yeeshay...

Guddoomiye Muungaab Oo Booqday Xubnaha Qoys Ku Wax-yeelloobay Dab Ka Kacay Degmada Hawlwadaag

Guddoomiye Muungaab Oo Booqday Xubnaha Qoys Ku Wax-yeelloobay Dab Ka Kacay Degmada Hawlwadaag

December 21, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta isbitaalka Digfeer ku booqday dadkii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In