Sunday, January 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Amniga Hirshabeelle oo ka hadashay howlgallo ka dhan ah Maleeshiyada Al-Shabaab oo ka socda Sh/Dhexe+Sawirro

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Amniga Hirshabeelle oo ka hadashay howlgallo ka dhan ah Maleeshiyada Al-Shabaab oo ka socda Sh/Dhexe+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Maxamed C/raxmaan Kheyre oo goordhow la Hadley Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa Sheegay in howlgaladaan ay ka socdaan deegaanno ka tirsan Gobalka Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka amniga Hirshabeelle Maxamed C/raxmaan Kheyre ayaa Sheegay in maleeshiyadu ay isku uruursanayeen deegaanno Hoosyimaada degmada Cadale, iyagoo qorsheynayay iney soo abaabulaan weeraro Shacabka ay la damcsanayeen balse ciidanka Xoogga dalka uu ka war haley sidaasna howlgal ka dhan ah loogu qaadey

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

January 25, 2026
Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026

“howlgalka waxa ay ciidamadu kula wareegeen deegaannada Buur baxaar, Faqiyaale iyo Daarusalaam oo dhammaan hoosyimada degmada Cadale ee gobalka Shabeellaha dhexe” ayuu yiri wasiir Maxmed Kheyre.

Sidoo kale wasiirka amniga ayaa intaa ku darey in howlgalladaan ay yihiin kuwo dhammaan deegaannada Dowlad gobaleedka Looga xureyn doono argagaxisada, isagoo Sidoo kale sheegay in ay sameeyeen barnaamijyo shacabka looga wacyi gelinayo Fikirka xagjirka ah.

Maxamed C/raxmaan Kheyre ayaa ugu dambeyn faahfaahin ka bixiyay kulamo uu uga soo qeybgalay magaalada baydhabo ee xarunta gobalka Baay halkaasi oo looga dhawaaqay iskaashi u dhaxeeya labada dowlad gobaleed ee koonfur galbeed iyo Hirshabeelle ay ka yeelan doonaan xaalada fatahaadaha iyo tan ganacsi ee Labada maamul.

Previous Post

Maamulka degmada Kaaraan oo wado ololle dib loogu soo celinayo billicda degmada+Sawirro.

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo daah-furay Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka+Sawirro

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo daah-furay Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka+Sawirro

Madaxweyne Farmaajo oo daah-furay Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka+Sawirro

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

January 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLADA HOOSE):-Ciidamada Xoogga Dalka oo sii wada howlgallada lagu baacsanayo maleeshiyada Khawaarijta ayaa dilay horjooge lagu magacaabo Timaweyne, ka...

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026
0

Bannaan bax looga soo horjeedo faragelinta Isra’iil ay ku sameysay dalkeenna ayaa ka dhacay degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir. Bannaan...

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

January 24, 2026
0

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa toddobaadkan mar kale muujiyay kaalintooda beni’aadannimo, kaddib markii ay biyo-dhaamin degdeg ah u sameeyeen...

War-murtiyeedka Shirka  Golaha Wadatashiga Qaranka

War-murtiyeedka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

January 24, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) oo ay qaab fogaan arag...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In