Thursday, September 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wajigii 2aad dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii ka dhacay Muqdisho oo loo qaaday Dalka Qatar “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wajigii 2aad dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii ka dhacay Muqdisho oo loo qaaday Dalka Qatar “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho soo gaaray diyaarad Militeri oo ka socotay Dalka Qatar oo qaaday dhaawacyada halista ah ee ku waxyeeloobay xasuuqii 28-ka December ka dhacay Isgoyska Ex-koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Qatar Danjira Cabdirisaaq Faarax Taano oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in diyaaradda ka timid dalka Qatar ay la socdeen 18 qof oo isugu jira Dhaqaatiir iyo Kalkaaliyeyaal caafimaad.

Related posts

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

September 9, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐤𝐚𝐝𝐞𝐞𝐦𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐤𝐚𝐝𝐞𝐞𝐦𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧

September 9, 2026

“Waxaan la socdaa diyaarad ciidan oo Ambulance ah oo ay ku dhantahay qalabka gargaarka deg degga ah oo ay soo dirtay dawladda Qatar, ayna kaga qayb-qaadanayso dawaynta dhaawacyada qarixii lagu hoobtay ee ka dhacay Ex-koontrol Afgooye laba bari kahor., dhaawacyada waxa ay heli doonaan daryeel caafimaad” ayuu yiri Danjiraha.

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Qatar Danjira Cabdirisaaq Faarax Taano ayaa xusay in diyaaraddu ay la socdaan dhaqaatiir caafimaad iyo howlwadeenno kale, kuwaasi oo baxnaanin doono dhaawacyada inta ay hawada ku sii jiraan.

“Diyaaradda waxaa nala socda 18 qof oo isugu jirta dhaqaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad si ay u caawiyaan dhaawacyada la qaadayo oo tiradoodu gaareyso 23 qof, waxaana la socda 23 kale oo ka mid ah ehelada dhaawacyada si ay u caawiyaan, halkii qof oo dhaawac ah waxaa la socda qof caawinaya” ayuu yiri Danjire Cabdirisaaq Faarax Taano

Danjire Cabdirisaaq Faarax Taano ayaa hoosta ka xariiqay in dhaawacyada la geyn doono isbitaalka ugu weyn uguna caansan Hamad Hospital ee ku yaala magaalada Doxa ee caasimadda Dalka Qatar.

Diyaaraddan ayaa noqoneysa tii labaad oo gargaar sida oo Muqdisho soo gaarta, waxaana dowladaha Qatar iyo Turkiga ay ka soo jawaabeen baaqii degdega ahaa ee ka yimid dowladda Federaalka.

Maalintii shalay ayay aheyd markii sidan oo kale diyaarad milateri oo kuwa caafimaadka oo dowladda Turkiga soo dirtay ay magaalada Muqdisho ka qaaday dhaawacyada illaa 16 ruux, oo mid ka mid ah markii la geeyay magaalada Ankara geeriyooday.

Previous Post

Wasaaradda Maaliyadda oo daah furtay sharciga Maamulka dakhliga “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Ballan Qaaday In Dowladdu Ay Si Buuxda u Daryeeleyso Dhaawacyada Weerarkii Argagaxiso Ee Ex-Kantarool Afgooye “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Ballan Qaaday In Dowladdu Ay Si Buuxda u Daryeeleyso Dhaawacyada Weerarkii Argagaxiso Ee Ex-Kantarool Afgooye “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Ballan Qaaday In Dowladdu Ay Si Buuxda u Daryeeleyso Dhaawacyada Weerarkii Argagaxiso Ee Ex-Kantarool Afgooye “SAWIRRO”

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

September 9, 2026
0

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika ayaa maanta isugu yimid Muqdisho, iyadoo la furay Shirka Golaha...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐤𝐚𝐝𝐞𝐞𝐦𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐤𝐚𝐝𝐞𝐞𝐦𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧

September 9, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ah Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shir muhiim ah la qaatay Guddiga Sare iyo Maamulka...

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Amniga ee Lianyungang

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Amniga ee Lianyungang

September 9, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta ka qeybgalay furitaanka Madasha Caalamiga ah...

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In