Wednesday, August 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Arday Soomaaliyeed oo dhameysatay barashadda Qur’aanka Kariimka oo abaal marino lagu gudoonsiiyey dalka Mareykanka “Sawirro”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
January 2, 2020
in Wararka
0
Arday Soomaaliyeed oo dhameysatay barashadda Qur’aanka Kariimka oo abaal marino lagu gudoonsiiyey dalka Mareykanka “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

48 arday oo Soomaali ah ayaa loo qabtay xaflad qalinjabin ah kadib markii ay dhameeyeen Barashadda Qur’aanka Kariimka taas oo ay soo abaabuleed dalada Ohio Dugsi Association oo ah dalad ay ku midoobeen qaar ka mid ah dugsiyada qur’aanka ee gobolka Ohio dalka Mareykanka

Waxaa goobta munaasabadu ka socotay buux dhaafiyay waalidiin, Arday iyo qaybaha bulshadda kuwaas oo farxadda la qeybsanayay ardayda kuwaas oo dhamaantood ah caruur aad u yar yar ah kuna dhashay dalka Mareykanka waxeyna isugu jiraan Wiilal iyo Gabdho.

Related posts

Danjire Ibraahin oo faahfaahin ka bixiyay doonyo ku degay xeebaha Jaziirada Lampedusa

Danjire Ibraahin oo faahfaahin ka bixiyay doonyo ku degay xeebaha Jaziirada Lampedusa

August 20, 2025
Danjire Jibriil oo furay tartanka Lady Justice Joyce Aluoch ee lagu qabtay Jaamacadda USIU-Afrika

Danjire Jibriil oo furay tartanka Lady Justice Joyce Aluoch ee lagu qabtay Jaamacadda USIU-Afrika

August 20, 2025

Maamulka dugsiyada Ohio Dugsi Association ayaa sheegay in barnamijkan ay uga goleeyihiin in ay ku dhiirogaliyaan Caruurta iyo dhalinyarada Qur’aanka barta iyo kuwa baran doona.

Caruurtan oo intooda badan uu ku adagyahay ku hadalka Af-ka Soomaaliga ayaa aad ugu faraxsanaa heerka ay soo gaareen waxaana qaarkood ay sheegeen in ay sii wadayaan Xifdinta Qur’anka iyo Barashada Diinta si ay mustaqbalka u noqdaan kuwo jiilasha danbe uga Faaiideeya waxa ay Barteen.

Inta Baddan Macalimiinta ka hadlay Munaasabadan waxay waalidiinta ka codsadeen in ay il gooniya ku eegaan caruurta oo aan looga harin Dugsiga oo kaliya.

Daladan Ohio Dugsi Association ayaa dhankooda xusay in ay ku socdaan heer isbadal oo ay ku gaarayaan in ay ka qeyb noqdaan Tartamada Qur’aanka ee Calamka Gaar ahan kuwa Mareykanka, Dubia iyo wadamo kale.

Waalidiin Baddan ayaa u mahadceliyay macalimiinta iyo dalada kuna amaanay doorkooda waxbarasho iyaga oo alle uga baryay in uu ka ajarsiiyo.

Inta baddan Caruurta ku dhasha qurbaha ee aan ku hadlin luuqada Soomaaliga ama Carabiga ayaa macalimiintu ka maraan dhib aad u baddan gaar ahaan barashada Higaada iyo xuruufta waxayna Macalimiin baddan Guntiga u xirtaan sidii loo caawin lahaa caruurtaasi oo ugu danbayn qaarkood dhamaystay Qur’aanka.

Previous Post

Madaxweynaha Puntland oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidamada Birmadka Madaxtooyada

Next Post

Bannaanbax looga soo horjeedo Argagigisada oo ka socda Muqdisho

Next Post
Bannaanbax looga soo horjeedo Argagigisada oo ka socda Muqdisho

Bannaanbax looga soo horjeedo Argagigisada oo ka socda Muqdisho

Danjire Ibraahin oo faahfaahin ka bixiyay doonyo ku degay xeebaha Jaziirada Lampedusa

Danjire Ibraahin oo faahfaahin ka bixiyay doonyo ku degay xeebaha Jaziirada Lampedusa

August 20, 2025
0

Safiirka Soomaaliya ee dalka Talyaaniga Danjire Ibraahim Cumar Sheegow ayaa ka warbixiyay qasaaraha ka dhashay labo doonyood oo ku qalibmatay...

Danjire Jibriil oo furay tartanka Lady Justice Joyce Aluoch ee lagu qabtay Jaamacadda USIU-Afrika

Danjire Jibriil oo furay tartanka Lady Justice Joyce Aluoch ee lagu qabtay Jaamacadda USIU-Afrika

August 20, 2025
0

Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa lagu martiqaaday inuu furo tartanka sannadlaha ah ee Lady Justice Joyce Aluoch International Intervarsity ADR...

Masuuliyiin ka tirsan Hirshabelle oo kormeer dhiirrigelin ah ku tagay deegaanka Xaaji Cali

Masuuliyiin ka tirsan Hirshabelle oo kormeer dhiirrigelin ah ku tagay deegaanka Xaaji Cali

August 20, 2025
0

Masuuliyiin ka tirsan Dowlad-goboleedka Hirshabelle ayaa gaaray deegaanka Xaaji Cali ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Wafdiga waxaa hoggaaminayay Xildhibaan Geeddi Oomane...

Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta    

Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta   

August 20, 2025
0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun dil ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa kooxaha Khawaarijta. Labadan eedaysane ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In