Tuesday, December 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Batuulo Sh. Axmed Gaballe “Oohin dambe iyo calaal dambe waa naga dhamaaday, waxaan diyaar u nahay inaan ciidamada qalabka sida safka hore la galno”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Batuulo Sh. Axmed Gaballe “Oohin dambe iyo calaal dambe waa naga dhamaaday, waxaan diyaar u nahay inaan ciidamada qalabka sida safka hore la galno”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaa hooyooyinka ugu baaqday inay u soo baxaan dagaalka ka dhanka ah cadawga ummadda ee Al-Shabaab, si guud ahaan looga ciribtiro dalka.

Batuulo Sheekh Axmed Gaballe, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka

Guddoomiyaha oo ka hadleysay isu soo bax looga soo horjeeday falkii argagixisada Al-Shabaab ay ku xasuuqeen shacab Soomaaliyeed oo ku sugnaa isgoyska Ex-koontarool Afgooye ayaa sheegtay in haweenka looga fadhiyo kaalinta ay ku leeyihiin ciribtirka

Related posts

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

November 30, 2025
Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

November 30, 2025

“Hadaan nahay Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Haweenka Soomaaliyeed oo markasta ay ilmada, hagar daamada iyo calool xumada ayna badeen argagixisada adduunka iyo calooshood u shaqeystayaasha dhogorta nooga eg ee ku qaraabta magaca diinta Islaamka, kuwaasi oo ku faanaya daadinta dhiiga carruurta, haweenka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed waa inaan ka hortegnaa oo aan ciidanka garab istaagnaa” ayay tiri Batuulo Sheekh Axmed Gaballe.

Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaa tilmaamtay inay la safan doonaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed si guud ahaan dalka looga ciribtiro, isla markaana aan loo dulqaadan doonin in Hooyo Soomaaliyeed ay qaaddo asaay, waxaana ay intaa ku dartay in carruurta ay qaldeen dhagar qabayaaasha xoog looga soo furan doono.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaa ugu baaqday dhallinyarada ay marin habaabiyeen Al-Shabaab inay isaga soo tegaan oo ay isu soo dhiibaan gacanta ciidamada qalabka sida si ay u helaan dhaqan celin, ayna uga waan toobaan daadinta dhiigga walaalahood Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah.

 

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Taliyaha ciidanka booliska oo ku baaqay in shacabka ay garab istaagaan ciidamada amniga

Next Post
Taliyaha ciidanka booliska oo ku baaqay in shacabka ay garab istaagaan ciidamada amniga

Taliyaha ciidanka booliska oo ku baaqay in shacabka ay garab istaagaan ciidamada amniga

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay shir 5 maalmood socday oo looga hadlayay arrimaha isbeddelka cimilada iyo nidaamka helida...

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO(GALGADUUD):-Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa xukun dil toogasho ah ku riday Cabdi Cusmaan Cabdullaahi iyo Gallad Axmed Xuseen, sidoo...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad ka jeediyay kulanka xiritaanka ee Madasha Caalamiga...

Wasiirka Kalluumeysiga XFS Oo Daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga(FIMS)

Wasiirka Kalluumeysiga XFS Oo Daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga(FIMS)

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa si rasmi ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In