Guddoomiye ku-xigeenka maamulka degmada Hobyo ee gobolka Mudugย Maxamuud Maxamed Cawaale oo la hadlay Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA Ayaa sheegay in xilligaan horumarro ballaaran ay ka socdaan magaalo xeebeedka Hobyo,isla markaana bulshada deegaanka ay si isxilqaan ah ku dhisteen xarumaha danta guud ee dagmada.
Dhanka kale bulshada degmada ayaa qayb wayn ka qaatay sidii loo sugi lahaa nabad galyada deegaanka ,taasina waxaa suurtagaliyay dadka deegaanka oo ku baraarugsan muhiimada magaalada ee dhinacyada badan leh.
Gudoomiye Ku xigeenka degmada Hobyo waxuu ka ka dalbaday shacabka dagmada in ay ka qayb qataan sidii loo maal gashan lahaa magaalada, ayna soo dhaweynayaan ka maamul ahaan cid walba oo ka qayb qaadanaysa sidii loo hormarin lahaa magaalada.
โIsku tashiga bulshada deegaanka ayaa horseeday horumarada ka socda xarumaha dawladda ee Hobyo oo dayactir lagu sameeyeyโ sidaana waxaa yiri gudoomiye Ku-xigeenka Maamulka degmada Hobyo ee gobolka Mudugย Maxamuud Maxamed Cawaale.
Hobyo waa magaalo istiraatiiji ah oo taariikh facweyn leh, waxaana ay leedahay dekad aan wali la dayactirin iyo xarumo dawladeed, madax kala duwan oo dawladda federaalka ah oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo Ayaa booqday magaalada ,waxaana magaalada ay u muuqanaysaa xilligaan mid ka soo kabanaysaย daruufihii kala duwanaa ee uu dalku soo maray.