Saturday, August 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safaaradda Mareykanka ee Ciraaq oo digniin u dirtay muwaadiniinteeda jooga Ciraaq

admin by admin
January 24, 2020
in Wararka
0
Safaaradda Mareykanka ee Ciraaq oo digniin u dirtay muwaadiniinteeda jooga Ciraaq
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safaaradda Mareykanka ee Baqdaad ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay waxay digniin ugu dirtay Muwaadiniinta Mareykanka ah ee ku sugan gudaha dalka Ciraaq iyo kuwa doonaya inay yimaadaan dalkaasi iyadoo ku wargelisay in aysan
usoo safri karin magaalooyinka kala duwan ee dalka Ciraaq.

Muwaadiniinteeda degan caasimadda Baqdaad iyo deegaanada kale ee Ciraaq ayaa lagu adkeeyey inaysan usoo dhowaan dhismaha iyo xarunta safaaradda Maraykanka oo ku taalla aagga cagaaran ee bartamaha caasimada dalkaasi Ciraaq ee Baqdaad.

Related posts

Soomaaliya iyo Japan oo xoojinaya iskaashiga horumarineed

Soomaaliya iyo Japan oo xoojinaya iskaashiga horumarineed

August 22, 2025
Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha oo ku baaqay in loo midoobo khawaarijta

Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha oo ku baaqay in loo midoobo khawaarijta

August 22, 2025

Safaaradda ayaa sidoo kale muwaadiniinta Mareykanka u sheegtay inay ka fogaadaan meelaha ay ka socdaan banaan-baxyada kala duwan isla markaana ay la socdaan warbaahinta gudaha si ay u helaan wararka cusub ee kusoo kordha gudaha dalka Ciraaq ayna muhiim tahay inay feejignaan muujiyaan haddii ay xaaladdu sii xumaato.

Dawladda maraykanka ayaa heegan dheeraad ah gelisay safaaradda ay ku leedahay dalka Ciraaq iyo dhamaan safaaradaha kale ee caalamka ugu yaalla kadib markii ciidankeedu ay duqayn ku dileen talihii ciidanka kacaanka Iiraan ee Qudus Qaasim Suleymaani.

Sidoo kale go’aankii ay Barlamaanka Ciraaq gaareen ee ahaa in ay dalka Ciraaq ka baxaan ciidamada Maraykanka ee jooga gudaha dalkaasi ayaa noqday go’aan welwel xoog leh ku reebay Maraykanka oo ilaa hada ka cabsi qaba in weeraro kale loo gaysto safaaradiisa Baqdaad iyo ciidamada ka jooga gobolada dalka Ciraaq ama ay waxyeelo gaarto muwaadiniinta maraykanka ah ee jooga dalkaasi.

Previous Post

DHAGEYSO: taariikh nololeedka alfannaan Daa’uud Cali Masxaf oo kooban

Next Post

Golaha Aqalka sare oo maanta Akhrinta koowaad marsiinaya Sharciga Hay’adda Duulista Rayidka

Next Post
Golaha Aqalka sare oo maanta Akhrinta koowaad marsiinaya Sharciga Hay’adda Duulista Rayidka

Golaha Aqalka sare oo maanta Akhrinta koowaad marsiinaya Sharciga Hay’adda Duulista Rayidka

Soomaaliya iyo Japan oo xoojinaya iskaashiga horumarineed

Soomaaliya iyo Japan oo xoojinaya iskaashiga horumarineed

August 22, 2025
0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Mudane Maxamuud Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa magaalada Yokohama kulamo miro-dhal ah kula yeeshay...

Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha oo ku baaqay in loo midoobo khawaarijta

Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha oo ku baaqay in loo midoobo khawaarijta

August 22, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xirsi Gaani oo maanta ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa ka warbibixay qorshaha Xukuumadda...

Bandhigga Buugga Dowlad-dhiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho+SAWIRRO

Bandhigga Buugga Dowlad-dhiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho+SAWIRRO

August 22, 2025
0

Munaasabad lagu daahfuray Buugga lagu magacaabo Dowlad-dhiska Soomaaliya ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho, Waxaana ka qayb galay Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray Taliska Qeybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray Taliska Qeybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka

August 21, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In