Monday, October 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeyb galay Munaasabad Abaal-marin lagu guddoonsiinayey Saxafiyiin Soomaaliyeed “Sawirro”

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeyb galay Munaasabad Abaal-marin lagu guddoonsiinayey Saxafiyiin Soomaaliyeed “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka wasaarada warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dawladda ayaa ka qeyb galay munaasabad abaal marin lagu gudoonsiinayey saxafiyiin ku guuleystay tartartanka diyaarinta warbixino ku saabsan arrimaha bulshada.

Munaasabadda oo ka dhacday xarunta safaarada ingiriinka ee Soomaaliya ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS ee mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, wasiirka wasaarada Haweenka iyo horumarinta xuquuqda Aadanaha XFS Marwo Deeqa yaasiin, kuxigeenka safiirka ingiriiska ee Soomaaliya mudane Dr Mattew Rowland, xildhibaano iyo wakiilo matalayey ururada saxaafada Soomaaliyed.

Related posts

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025

Munaasabada ayaa ujeedadeedu aheyd siddii abaalmarin loo guddoonsiin lahaa afar saxafi oo ku guuleysatay tartan ku saabsanaa diyaarinta sheekooyin arrimaha bulshada oo hab muuqaal loo diyaarinayey, kaasi oo safaaradda ingiriinska ay ku dhawaaqday Seddexdii Bishii May ee sanadkii hore oo ku beegneyd maalinta saxaafada xorta ah ee caalamka.

Dr Mattew Rowland oo ah kuxigeenka safiirka ingiriiska ee Soomaaliya oo ugu horeyn munaasbadda ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada ay safaaradu uqabatay tartanka ay tahay siddii loo dhiiri-gelin lahaa loona muujin lahaa tayada saxafiyiinta Soomaaliyeed, isaggoo hambalyo udiray saxafiyiintii ku guuleystay abaalmarinta.

Xoghayaha ururka isu tagga saxafiyiinta Soomaaliyeed Mudane Maxamed ibraahim Macalimow ayaa sheegay in abaalmarintani ay dhiiri-gelineyso islamarkaana horumarineyso tayada dhalinyarada saxafiyiinta ah, isaggoo safaaradda Ingiriinka uga mahad celiyey taageerada ay la garab taagan yihiin saxafiyiinta Soomaliyeed,.

Wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo wasiirka Haweenka iyo horumarinta xuquuqda Aadanaha Maryam yaasiin oo gabogabadii Munaasabada ka hadlay ayaa hambalyo ay u ujeediyeen dhalinyarada guuleystay kadib waxay sheegeen in hoggaanka dawladda ay ka go’an tahay in ahmiyad weyn siiyaan xorriyadda hadalka iyo warbaahinta.

Ugu dambeyn qaar kamid ah dhalinyaradii ku guuleytay tartanka oo la gudoonsiiyey shahaadooyin ayaa sheegay inay kufaraxsanyihiin abaalmarinta la gudoonsiiyey.

 

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Algeria “Sawirro”

Next Post

Dhageyso: Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso: Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
0

Guddiga ku meel gaarka ah ee soo xulista Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo...

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada , oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa maanta furtay Watashi Qaran oo socon doona...

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar u fadhiya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In