Saturday, April 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka ganacsiga oo ka hadlay muhiimadda sharciga Jaan-goynta iyo tayo-dhowrka Soomaaliya+Sawirro

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Wasiirka ganacsiga oo ka hadlay muhiimadda sharciga Jaan-goynta iyo tayo-dhowrka Soomaaliya+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda ganacsiga iyo Warshadaha JFS Inj, Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa faah-faahin ka bixiyay sharciga Jaan-goynta iyo tayo-dhowrka Soomaaliya, isagoo caddeeyey ahmiyadda uu sharcigani u leeyahay Dalka.

Enj; Cabdullaahi Cali Xasan oo ka hadlayay fadhigii uu shalay yeeshay Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya, ayaa carabka ku dhuftay in hay’adda tayo-dhowrka ee sharcigani dhisaya ay mas’uul ka noqon doonto ilaalinta tayada waxyaabaha Dalka soo galaaya, waxa la dhoofiyo iyo weli ba waxyaabaha kale ee lagu isticmaalo Dalka gudahiisa.

Related posts

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026

Wasiirka ayaa xusay in uu sharcigani fududeyn doono dhoofinta ganacsiga oo uu sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ay wakhtiyaddii hore dhib ku qabeen jiritaan la’aanta hay’addan tayo-dhowrista.

Wasiirka, ayaa Xildhibbaanada Aqalka sare ka codsaday in ay ansaxiyaan sharcigan maadaama uu ahmiyad weyn u lee yahay Qaranka, iyada oo ansaxinta ka dibna loo gudbin doono Madaxweynaha Qaranka Md; Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo saxeexi doona.

Sharciga Jaan-goynta iyo tayo-dhowrka Soomaaliya, ayaa ah mi ay muddo dheer ka soo shaqeynaysay Wasaaradda ganacsiga iyo Warshadaha JFS, waxaana uu soo maray dhammaan marxaladihii iyo latashiyadii loo baahnaa.

Previous Post

Hoos u dhac ku yimid wax soo saarkii Kalluumeysatada Gobolka Mudug

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Next Post
Dhageyso: Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo muhiim...

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026
0

Xubno ka socday Maamulka Safaaradda Soomaaliyaee  Kenya ayaa ka qeybgalay xaflad isbarasho oo ay soo qabanqaabiyeen ardyda Soomaalida ee wax...

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

April 3, 2026
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Mudane Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Kulan looga hadlaayey sugidda amniga Magaalada Beydhabo la qaatay...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In