Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Sanad-laha ah ee Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Uganda oo ka dhacay Caasimadda Kampala+Sawirro

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Shirka Sanad-laha ah ee Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Uganda oo ka dhacay Caasimadda Kampala+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkani oo ah mid sanadkiiba mar ay isku arki doonaan guddoomiyeyaasha Ururada ardayda Soomaaliyeed ee jaamacadaha Uganda wax ka barata iyo wakiilka Midowga ardayda Qaranka ee Uganda ayaa waxaa shirgudoomiyay Guddoomiyaha wakiilka Ardayda Qaranka Soomaaliyeed ee dalka Uganda Mudane Cabdiqaadir Cumar Cabdulle Fiidka.

Madasha Shirka oo ay ku sugnaayeen guddoomiyayaasha ardayda jaamacadaha, iyo xubno kamida ardayda ayaa waxaa looga hadlayay qodobo dhowr ah, waxaana shirka daahfuray Wakiilka Midowga Ardayda Qaranka Soomaaliyeed ee dalka Uganda Cabdiqaadir Cumar Cabdulle Fiidka oo ka hadlay ahmiyada Ajandayaasha shirka sanadkaan, sidoo kalana wafuuda shirka ka qeyb gashay kaga mahadceliyay howlaha ay u hayaan ardayda Soomaaliyeed siina bogaadiyay.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Intaasi kadib ayaa waxaa shirka warbixino ku saabsan sanadkii tagay ee 2019 iyo qorshooyinka sanadkaan cusub looga dhageystay guddoomiyayaasha Ururada ardayda Soomaaliyeed ee jaamacadaha Uganda, waxaana sidoo kale shirka lagu gorafeeyay xalinta caqabadaha soo wajaha ardayda.

Qaar ka mid ah Gudoomiyaasha ayaa soo bandhigay waxqabadki sanadkii tagay iyo tirooyinka ardayda Soomaaliyeed ee jaamacadahoohoda dhigtay, waxa ayna sidoo kale soo bandhigeen qorshaha ay rajeynayaan in ay ku fuliyaan barnaamijkooda sanadlaha ah sanadkan 2020.

Shirka oo kusoo idlaayay jawi degan sanadkii ugu horeeyay ee uu qabsoomo, ayaa la rajeynayaa inuu noqdo mid sanad waliba hogaamada ardayda kaga arinsadaan aayaha ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalkani Uganda.

Previous Post

Soomaaliya oo Nairobi kaga qeyb gashay shirka Is-dhex-galka Ganacsiga Bakistan iyo dalalka Afrika+Sawirro

Next Post

Deegaanka Maaxaay oo noqday goob ku haboon in laga dhiso garoon casri ah+Sawirro

Next Post
Deegaanka Maaxaay oo noqday goob ku haboon in laga dhiso garoon casri ah+Sawirro

Deegaanka Maaxaay oo noqday goob ku haboon in laga dhiso garoon casri ah+Sawirro

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In