Thursday, February 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaliya oo war ka soo saartay warbixintii Amnesty International ee xoriyadda hadalka

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo Cambaaraysay weerarkii argagixiso ee Manda Bay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay oo nuqul kamid ahna uu soo gaaray Wakaaladda wararaka (SONNA) si kulul uga hadashey warbixin ay soo saartay Hay’adda Amnesty International oo ku saabsanaa in ay jiraan xadgudubyo ka dhan ah xoriyadda hadalka ee Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si buuxda uga warqabto mas’uuliyadeheeda ee ku aadan xuquuqda uu leeyahay qofka muwaadinka ah,ayna u taagantahay in la ilaaliyo xoriyadda hadalka iyo midda shaqsiyadeed.

Related posts

Madaxweyne Xasan oo Hay’adaha dowladda faray in shaqadooda ugu badan ay u weeciyaan gurmadka abaaraha

Madaxweyne Xasan oo Hay’adaha dowladda faray in shaqadooda ugu badan ay u weeciyaan gurmadka abaaraha

February 4, 2026
Wasaaradda Qoyska XFS  oo u hambalyeeysay hoggaanka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Wasaaradda Qoyska XFS oo u hambalyeeysay hoggaanka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

February 4, 2026

“Waxaa ina soo gaaray qoraal ka soo baxay Hay’adda Amnesty International,oo ka hadlaya arrimo la xiriira xadgudub ka dhan ah xoriyadda hadalka,dowladda Soomaaliya waxay si buuxda uga warqabtaa mas’uuliyadeheeda ee ku aadan in xuquuqda uu leeyahay qofka muwaadinka ah,ayna u taagantahay in la ilaaliyo xoriyadda hadalka iyo midda shaqsiyadeed”. ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ay soo saartay dowladda Soomaaliya.

War-saxaafadeedkan ay soo saartay wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in warbixinta Amnesty ay tahay mid la buun-buuniyay iyo been abuur,iyadoo xustay in ay tahay qorshe magan geliyo raadis dadal reer Yurub iyo dano kale oo gaar ah oo laga leeyahaya.

Sidoo kale ma jiraan cadeymo loo haayo in eedeynta loo jeedinayo dowladda Soomaaliya ee ah xadgudbyada suxufiyiinta,balse arrintan ay u muuqato arrin la siyaasadeeyay,oo ahdaaf gaar ah laga damacsanaa,sidaasi darteedina ay dowladdu si adag u beeninayso warkaasi ay soo saartay Amnesty International.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xustay in ay xaqiijinayso xoriyadda iyo xuquuqda uu leeyahay muwaadin kasta,isla markaana ay qeyb ka tahay xoriyadda saxaafadda,waxaana ay dowladdu intaasi ku dartay in dalka uu mamnuuc ka yahay ficilkasta oo dhaawici kara xuquuqda muwaadinka iyo xoriyatul qowlka.

Previous Post

Wasaaradda Ganacsiga XFS iyo Bankiga Aduunka oo Shir uga furay Magaaladda Nayroobi “Sawirro”

Next Post

Golaha Wasiirada XFS oo ansixiyay guddiga maamulka Banggiga Dhexe ee Soomaalia

Next Post
Waa kuma Guddoomiyaha Cusub ee Bankiga Dhexe?

Golaha Wasiirada XFS oo ansixiyay guddiga maamulka Banggiga Dhexe ee Soomaalia

Madaxweyne Xasan oo Hay’adaha dowladda faray in shaqadooda ugu badan ay u weeciyaan gurmadka abaaraha

Madaxweyne Xasan oo Hay’adaha dowladda faray in shaqadooda ugu badan ay u weeciyaan gurmadka abaaraha

February 4, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta booqday Xarunta gurmadka degdeg ah ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka,...

Wasaaradda Qoyska XFS  oo u hambalyeeysay hoggaanka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Wasaaradda Qoyska XFS oo u hambalyeeysay hoggaanka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

February 4, 2026
0

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka waxay bogaadinaysaa doorashada gudoonka Guddiga ee ay maanta Sameeyeen xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay mas’uuliyiin ka socday NIS Foundation

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay mas’uuliyiin ka socday NIS Foundation

February 4, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi, ayaa xarunta Wasaaradda kula kulmay...

Danjire Yuusuf Jeego oo ka qeybgalay kulan muhiim ah

Danjire Yuusuf Jeego oo ka qeybgalay kulan muhiim ah

February 4, 2026
0

Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Aljeeriya Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa ka qeyb galay kulan ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In