Sunday, August 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo tababar u furay qaar ka mid ah Saxafiyiinta ka howlgala dalka

admin by admin
February 15, 2020
in Wararka
0
Wasiir Maareeye oo ka hadlay wax-qabadka Dowladda intii ay jirtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomalaiya mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa maanta tababar u furay 20 Saxafi oo ka kala tirsan Warbaainta Qaranka, maamul Goboleedyada iyo tan madaxa bannaan.

Tababarkan oo soconaya muddo shan maalin ah ayaa waxaa bixinaya Machadka tababarrada warbaahinta Caalamiga ah ee Al-Jaziira.

Related posts

Wasiirka Gaashaanshigga oo kulan la qaatay Guddiga Difaaca iyo Amniga ee Aqalka Sare

Wasiirka Gaashaanshigga oo kulan la qaatay Guddiga Difaaca iyo Amniga ee Aqalka Sare

August 17, 2025
Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo shaaciyay in lasoo gaba-gabeeyay diiwaangelinta codbixinta doorashooyinka ee gobolka Banaadir

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo shaaciyay in lasoo gaba-gabeeyay diiwaangelinta codbixinta doorashooyinka ee gobolka Banaadir

August 17, 2025

Maxamed Caddoow, oo ka howlgalla Warbaahinta Al-Jaziira ayaa sheegay in ay Saxafiyiintu wax ka bari doonaan xirfadda wariyaha, sameynta wararka iyo Barnaamijyada, taas oo la doonayo in sare loogu qaado tayada iyo xirfadda wariyayaasha Soomalaiyeed.

Wasiirka warfaafinta Soomalaiya, Maxamed Cabdi Xayir oo furay tababarka ayaa ku boorriyay Saxafiyiinta in ay ka faa’iideystaan siminaarkan.

Mudane Maareeye ayaa sheegay in muddooyinkan ay Wasaaradda Warfaafintu wadday dedaallo sare loogu qaadayo garaadka iyo tayada aqoonta Saxafiyiinta Soomalaiyeed.

“Waxaan machadka Al-Jaziira uga mahadcelinayaa tababarka ay siinayaan wariyeyaasha Soomaaliyeed, aad ayaan uga mahadcelineynaa iskaashiga ka dhexeeya Al-Jaziira iyo dowladda”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirka ayaa ugu mahadceliyay Warbaahinta Al-jaziira tababarrda joogtada ah ee ay siiso Suxufiyiinta Dalka, wuxuuna sheegay in ay sii wadi doonaan sare u qaadidda tayada wariyaha Soomaaliyeed.

 

Previous Post

Guddoomiyaha degmada Luuq oo kormeeray dhismaha garoonka diyaaradaha iyo xarumo kale “SAWIRRO”

Next Post

Xuska Maalinta Ciidanka Cirka oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Xuska Maalinta Ciidanka Cirka oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Xuska Maalinta Ciidanka Cirka oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Wasiirka Gaashaanshigga oo kulan la qaatay Guddiga Difaaca iyo Amniga ee Aqalka Sare

Wasiirka Gaashaanshigga oo kulan la qaatay Guddiga Difaaca iyo Amniga ee Aqalka Sare

August 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo shaaciyay in lasoo gaba-gabeeyay diiwaangelinta codbixinta doorashooyinka ee gobolka Banaadir

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo shaaciyay in lasoo gaba-gabeeyay diiwaangelinta codbixinta doorashooyinka ee gobolka Banaadir

August 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Cabdikariin Axmed Xasan ayaa shaaciyay in lasoo xiray diiwaan-gelintii codbixiyaasha doorashooyinka ee...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL oo kala saxiixday heshiis iskaashi

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL oo kala saxiixday heshiis iskaashi

August 16, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) iyo Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL ayaa si rasmi ah u kala...

Ololaha Diiwaangelinta Doorashooyinka Qof iyo Cod oo laga daahfuray degmada Afgooye

Ololaha Diiwaangelinta Doorashooyinka Qof iyo Cod oo laga daahfuray degmada Afgooye

August 16, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta si rasmi ah Degmada Afgooye ugu daahfuray ololaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In