Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Horjooge ka tirsanaa Argagaxisada Al-shabaab oo isku soo dhiibay Ciidamada Xoogga dalka

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Horjooge ka tirsanaa Argagaxisada Al-shabaab oo isku soo dhiibay Ciidamada Xoogga dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada  xoogga dalka ee ka howlgala gobolka Bakool ayaa Horjooge Sare oo ka tirsanaa maleeshiyada Argagixisada ah ee Al-Shabaab ku soo bandhigay degmada Xudur ee xarunta gobolkaasi.
Horjoogahaan oo lagu magcaabo Colaad Cabdiraxmaan Maxamed Xerow,ayaa Kooxda Nabadiidka ah ee Al-shabaab ka tirsanaa 11-sano.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga  magaalada Xudur Ibraahim Isaaq Ibarahim ayaa sheegay in ninkaan uu markii hore xiriir la soo sameeyey ka dibna uu isku soo dhiibay  ciidamada xoogga dalka.

Related posts

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceedyo la yeeshay dhiggiisa dalalka Suudaan iyo Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceedyo la yeeshay dhiggiisa dalalka Suudaan iyo Kuweyt

January 11, 2026

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka ayaa  uga mahadceliyay ciidamada xoogga dalka dadaalada ay ugu jiraan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahayeen haraadiga kooxda Al shabab ee dhumaaleysiga ku jira.

Colaad Cabdiraxmaan Maxamed xerow ayaa tilmaamay inuu kooxda arxanka daran ee Al-Shabaab ugu  shaqeyn jiray darawalnimo, islamarkaana uu isaga soo baxay fikirkooda kadib markii uu u adkeysan waayay waxyaabaha ay sameynayaan oo aan raadka ku laheen shareecada Islaamka.

Howlgalada iyo Wacyigelinta ay Ciidamada Xoogga Dalka ka sameeyeen gobalada dalka ayaa waxaa ay keentay in ay isi soo dhiibaan maleeshiyaadka horay uga tirsanaa Al-shabaab gaar ahaan Horjoogayaasha kuwaasi oo kasoo laabanaya Fikirka Xagjirka ah ee kooxda ku dhibaateyso shacabka.
Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlagaladii ugu dambeeyay ee ay ka sameeyeen gobalada Bay iyo Bakool waxaa ay kula wareegeen deegaano dhowr ah oo maleeshiyad ku sugnayd.

Previous Post

Ciidamada Dawladda Suuriya oo si buuxda ula wareegay Magaalada Xalab.

Next Post

Boliiska Jarmalka oo xiray kooxo qorsheynayay in ay weeraraan Masjid ku yaalla dalkaas.

Next Post
Boliiska Jarmalka oo xiray kooxo qorsheynayay in ay weeraraan Masjid ku yaalla dalkaas.

Boliiska Jarmalka oo xiray kooxo qorsheynayay in ay weeraraan Masjid ku yaalla dalkaas.

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

January 11, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, met on Saturday evening in Jeddah with his...

Somalia, Sudan Denounce Israel’s “Somaliland” Recognition

Somalia, Palestine Reject Israel’s “Somaliland” Recognition

Somalia, Palestine Reject Israel’s “Somaliland” Recognition

January 11, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, met on Saturday evening in Jeddah with H.E....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In