Ciidamada ammaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo kuwa xoogga dalka ayaa howlgallo lagu baacsanayo argagaxisada Al-shabaab ka wada duleedka magaalada Jowhar oo xalay maleeshiyadu ay isku dayday in ay weerar gaadmo ah ku soo qaado fariisimo ciidamadu ay ku lahaayeen duleedka magaalada.
Ciidamada ayaa fashiliyay weerarka oo argagaxisadu ay dooneysay in ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Jowhar, waxaana iska hor imaad kooban oo ka dhacay duleedka buundada xaafadda Buulo-sheekh ee barigga magaalada lagu kala ceyriyay maleeshiyadi dooneysay in ay carqaladeeyaan ammaanka caasimadda Hirshabeelle.
Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa xaqiijiyay in dadka shacabka ah aysan soo gaarin wax khasaare ah, waxaana ciidamadu ay saaka u ruuqaansadeen deegaanno dhaca duleedka bari ee magaalada Jowhar, iyagoo tuulooyinka hoostaga ka wado howlgallo lagu xaqiijinayo amniga laguna baadigoobayo firxadka maleeshiyaadka Al-Shabaab.