Munaasabadan oo aheyd mid lagu soo dhaweynayay arday cusub oo ku soo biirtay jaamacadda Cavendish ee ku talaa Caasimadda Kampala ee dalka Uganda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa qaar ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta jaamacadaha dalka Uganda, Guddoomiyeyaasha jaamacadaha iyo marti sharaf kale.
Munaasabadda oo Ujeedkeedu ahaa in ardayda cusub lagu war geliyo nidaamka iyo shuruucda jaamacadda Cavendish ay leedahay, ayaa waxa ugu horeyn ardayda cusub ee Jaamacadda ku soo biirtay soo dhaweysay Maryan Axmed Maxamed oo ah Guddoomiyaha ardayda Soomaaliyeed ee jaamacadda Cavendish.
Dhanka kale Fartuun Cabdiqadir Maxamed oo ka mid aheyd marti sharaftii Munaasabadda lagu casumay ayaa ardayda cusub ku boorisay inay kaalin muuqata ka qaataan kor u qaadida Magaca Ummadda Soomaaliyeed.
Ardayda cusub ee ku biirtay Jaamacadda Cavendish ayaa wax ka baran doona Kuliyadaha kala duwan ay Jaamacadu bixiso, iyadoona Jaamacadda Cavendish ee ku talaa Caasimadda Kampala ee dalka Uganda ay tahay jaamacad ay dhigtaan ardayda badan oo Soomaaliyeed.