Sunday, February 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Gobolka oo guri 30 sano si sharci darro ah lagu heystay dib ugu celiyay dadkii iska lahaa “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Gobolka oo guri 30 sano si sharci darro ah lagu heystay dib ugu celiyay dadkii iska lahaa “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa 30-Sano kadib muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cali Xasan ku wareejiyay guri uu wakiil uga ahaa Muwaadin Cabdala Cabdiraxmaan Alboosi oo si sharcidara ah hantidiisa looga heystay.

Wareejinta guriga kadib ayaa duqa Muqdisho oo weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka Amniga ee gobolka Banaadir Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab Guhaad Sheekh Xasan iyo taliyaha Booliska degmada Xamar Jajab ayaa booqday qeybaha uu ka kooban yahay gurigan oo ay ka muuqdeen burbur iyo dayac xoogan.

Related posts

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay dhagar-qabayaal ka tirsan Khawaarijta

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay dhagar-qabayaal ka tirsan Khawaarijta

February 15, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “AFRIKA WAA INAY HESHAA KURSI JOOGTO AH OO GOLAHA AMMAANKA AH”

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “AFRIKA WAA INAY HESHAA KURSI JOOGTO AH OO GOLAHA AMMAANKA AH”

February 15, 2026

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in uusan aqbali doonin in qof hantidiisa si sharcidara ah lagu heesto.

“Marnaba ma aqbali doono in qof muwaadin ah hantidiisa si sharcidara lagu heesto, waxaana ugu baaqaya qofkaste oo hantidiisa ama gurigiisa sharcidara looga heesto in uu nala soo xariiro si aan xaquuqdiisa ugu soo dhicino, sidoo kale waxaan digniin adag u diraaya cidkaste oo dagan guri aysan laheyn ama xoog ku heesta hanti uusan laheyn in uu dib isaga wareejiyo haddii kale sharciga ayaan la tiigsan doona”. Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Wakiil Cali Xasan oo Warbaahinta la hadlay ayaa u mahadceliyay cidkaste oo ka qeyb qaadatay in si cadaalad ah ay dib ugu helaan gurigoodi oo mudda fog gacantooda uga maqnaa sifa sharcidara ah.

“Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in si nabadgalya ah oo cadaalad ku jirta naloogu wareejiyay gurigeynii oo muda 30-sano ah gacanteena ka maqnaa, waxaan si gaar ah ugu mahadcelineynaa Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho sida Soomalinimada leh oo uu noogu garab istaagay inaan dib u helo hantideeni muddada fog inaga maqneyd”.ayuu yiri Wakiil Cali Xasan.

Previous Post

Baarlamaanka Galmudug oo ka dooday miisaaniyadda sanadka 2020

Next Post

Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada oo ka qeyb galay kaltanka ololaha isxilqaan “SAWIRRO”

Next Post
Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada oo ka qeyb galay kaltanka ololaha isxilqaan “SAWIRRO”

Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada oo ka qeyb galay kaltanka ololaha isxilqaan “SAWIRRO”

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay dhagar-qabayaal ka tirsan Khawaarijta

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay dhagar-qabayaal ka tirsan Khawaarijta

February 15, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda ayaa caawa fiidkii dilay afar (4) dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, iyagoo...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “AFRIKA WAA INAY HESHAA KURSI JOOGTO AH OO GOLAHA AMMAANKA AH”

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “AFRIKA WAA INAY HESHAA KURSI JOOGTO AH OO GOLAHA AMMAANKA AH”

February 15, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay shir heer sare ah oo ku saabsanaa mustaqbalka...

Markabkii qodi lahaa shidaalka dalkeenna oo ka soo shiraacday dalka Turkiga

Markabkii qodi lahaa shidaalka dalkeenna oo ka soo shiraacday dalka Turkiga

February 15, 2026
0

Dalka Turkiga waxaa goordhow laga soo sagootiyey Markabka Cağri Bey oo ku soo wajahan Soomaaliya, kaas oo howlgal shidaal qodis...

Midowga Afrika oo markale ka horyimid xadgudubka Israel ee dalkeenna

Midowga Afrika oo markale ka horyimid xadgudubka Israel ee dalkeenna

February 15, 2026
0

Ururka Midowga Afrika ayaa markale adkeeyay sida ay uga soo horjeedaan xadgudubka Israa’iil ay kula kacday Soomaaliya. War-murtiyeedka Midowga Afrika...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In