Monday, July 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Aadan Isaaq “Waa u diyaarsanyahay Dalkeenu Dalxiis”

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Wasiir Aadan Isaaq “Waa u diyaarsanyahay Dalkeenu Dalxiis”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Aadan Isaaq Cali oo wareysi gaar ah siiyay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dalxiisku xilligaan uu yahay adduunka meelaha ugu badan ee dhaqaalaha uu ka soo galo dowladaha caalamka.

Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradda Warfaafintu ay saamileyda dalxiiska ay u qabatay kulan leyskugu keenayay oo ay kasoo qeyb galeen dhallinyaro badan haddane ay wado  dadaallo lagu horumarinayo dalxiiska dalka.

Related posts

DFS oo hoos u dhigtay Calanka Qaranka si ay uga tacsiyeyso geerida Amiirka Qatar

DFS oo hoos u dhigtay Calanka Qaranka si ay uga tacsiyeyso geerida Amiirka Qatar

July 13, 2026
Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo kulan la yeelatay Guddoomiyaha Golaha Haweenka Pakistan

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo kulan la yeelatay Guddoomiyaha Golaha Haweenka Pakistan

July 13, 2026

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya xilligaan ay u diyaarsantahay dalxiisayaal caalami ah iyo kuwo gudaha ah, isagoo xusay in cid walba oo daneyneysa arrimaha dalxiiska ay soo dhaweyn doonaan.

Mudane Aadan Isaaq Cali Wasiir ku xigeenka Warfaafinta ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ku dhiirigeliyay in ay ku dalxiisaan dalkooda ayna soo bandhigaan muuqaalada qurxoon ee dalkeena.

Soomaaliya ayaa leh goobo taariikhi ah oo ku haboon dalxiiska iyo cimilada ugu wanaagsan dunida, waxaana Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiisku ay billaawday dardar gelinta sidii dib loogu soo celin lahaa dalxiiskii dalka uu lahaan jiray.

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya+Sawirro

Next Post

Madaxweyne Qoorqoor oo Casho sharaf u sameeyay Saraakiisha cusub ee Booliiska Galmudug

Next Post
Madaxweyne Qoorqoor oo Casho sharaf u sameeyay Saraakiisha cusub ee Booliiska Galmudug

Madaxweyne Qoorqoor oo Casho sharaf u sameeyay Saraakiisha cusub ee Booliiska Galmudug

DFS oo hoos u dhigtay Calanka Qaranka si ay uga tacsiyeyso geerida Amiirka Qatar

DFS oo hoos u dhigtay Calanka Qaranka si ay uga tacsiyeyso geerida Amiirka Qatar

July 13, 2026
0

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in hoos loo dhigo Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaddib geerida ku timid...

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo kulan la yeelatay Guddoomiyaha Golaha Haweenka Pakistan

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo kulan la yeelatay Guddoomiyaha Golaha Haweenka Pakistan

July 13, 2026
0

Islamabad, Pakistan – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada...

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay duqeymo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta ee...

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

July 12, 2026
0

Qaar ka mid ah gabdhaha saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulan dhiirigelin iyo hambalyo ah u sameeyay Caaliya Maxamed...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In