Sunday, January 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun ku ridday Shabaab lagu qabtay dagaal

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Maxkamadda Ciidamada oo Xukun ku ridday Shabaab lagu qabtay dagaal
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Daawle oo magiciisa afgarashadu yahay Xamza ayaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha maleeshiyada  Alshabaab gaar ahaan in uu kamid ahaa kooxda sida dhuumaaleysiga u weerarta fariisimaha Ciidamada.

26-kii September 2019  ayaa laga soo qabtay Baladul-Amiin isaga oo dhaawac ah, waxa ayna ciidamada xoogga ku wareejiyeen ciidamada Amniga oo iyagana la tacaalay dhaawac kasoo gaaray weerar fashilmay oo ay maleeshiyada isku dayeen in ay kamiin u galeen ciidamada Xoogga dalka.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

January 25, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

January 25, 2026

Ina Cumar Cabdi Dawaale ayaa waayay mid kamid ah lugihiisa oo ay ka fursan waayay howlwadeenada caafimaad in laga jaro

Caafimaad kadib ayaa markale loo gacan geliyay hey’adaha baarista, waxa ayna baaritaan dheer kadib ku wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida horraantii November sanadkii hore.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa isku howlay baarista kiiskan markiisii hore ka soo galay hey’adaha Amniga, waxa ayna 3-dii February sanadkan dalbadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwad ka dhan ah Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Daawle.

Maxkamadda ayaa go’aamisay 17-kii February in la galo dhageysiga dacwadda ka dhan ah Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Daawle, Xafiiska Xeer Ilaalinta oo isaga iska leh fursadda hore ee hab raaca dacwadda ayaa Garsoorayaasha u sheegay in Eedeysanaha la soo qabtay isaga oo dagaal ku jira, waxa ay intaas ku dareen in uu ka qeyb galay weeraro kale oo ka kala dhacay Bariire, Buulo Mareer, Baraawe, Golweyn laga soo bilaawo xilligii uu Alshabaab kaga biiray degmada Walla-weyn ee gobalka Shabeellada Hoose sanadii  2010 .

Eedeysanaha oo fursad loo siiyay in uu ka hor hadlo Garsoorka ayaa Maxkamadda ka codsaday in loo naxariisto maadama ay ku biirista Alshabaab uusan diidaneen.

Qareenka Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Daawle ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in Eedeysanaha uu aad u yaraa xilligii uu Alshabaab ku biirayay, sidaas darteed ayuu garoosrayaasha weydiistay in loo fiiriyo qodobada fududeyn karo ciqaabtiisa.

Garsoorayaasha ayaaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Daawle lagu xukumo xabsi daa’in sida uu dhinacyada dacwadda u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan muddo ku siman 30-cisho xukunka kadib.

Previous Post

Madaxweynaha Galmudug oo kulan la qaatay Hoggaamiyaha Ahlu-sunna

Next Post

Guddoonka labada Aqal ee BJFS oo magacaabay guddi dhameystiraya Sharciga doorashooyinka Qaranka

Next Post
Guddoonka labada Aqal ee BJFS oo magacaabay guddi dhameystiraya Sharciga doorashooyinka Qaranka

Guddoonka labada Aqal ee BJFS oo magacaabay guddi dhameystiraya Sharciga doorashooyinka Qaranka

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

January 25, 2026
0

  RADIO MUQDISHO:-Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Agaasimaha Guud Arrimaha Dastuurka ee Wasaaradda Caddaaladda...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

January 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLADA HOOSE):-Ciidamada Xoogga Dalka oo sii wada howlgallada lagu baacsanayo maleeshiyada Khawaarijta ayaa dilay horjooge lagu magacaabo Timaweyne, ka...

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026
0

Bannaan bax looga soo horjeedo faragelinta Isra’iil ay ku sameysay dalkeenna ayaa ka dhacay degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir. Bannaan...

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

January 24, 2026
0

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa toddobaadkan mar kale muujiyay kaalintooda beni’aadannimo, kaddib markii ay biyo-dhaamin degdeg ah u sameeyeen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In