Monday, April 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Abaalmarinno guddoonsiiyay qaar kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda+Sawirro

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta XFS oo Abaalmarinno guddoonsiiyay qaar kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda mudane, Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-cadaala ayaa agaasimeyaal iyo shaqaale ka tirsan Warbaahinta Qaranka ku  guddoonsiiyay shahaado sharaf iyo abaalmarino ay ku mudeysteen shaqada ay Qaranka u hayaan, munaasabad galabta lagu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta, taas oo ay kasoo qeyb galeen shaqaalaha kala duwan ee Warbaahinta Qaranka.

Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha mudane Cabdiraxiin Ciise Caddow oo ugu horreyn ka hadlay munaasabadda ayaa tilmaamay in xafladaan ay tahay mid 3-dii billoodba mar ay abaalmarino siin doonaan shaqaalihii loo arko in uu howlkarnimo dheeri ah la yimid.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

April 19, 2026
Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

April 19, 2026

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-cadaala ayaa u hambalyeeyay shaqaalaha ku guuleystay abaalmarinada,isagoo shaqaalaha kalane kula dardaarmay in ay dardar geliyaan shaqada Qaranka ay u hayaan,wuxuuna sheegay in abaalmarintu ay tahay mid lasiin doono qofkasta oo shaqadeeda si fiican uga soo baxda ayna berri qaadan doonaan kuwa aan maanta nasiibka u yeelan.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa shaqaalaha ku guuleystay abaalmarinada ku boggaadiyay howlkarnimadooda,isagoo kuwa kalane uga mahadceliyay shaqada ay u hayaan Qaranka,wuxuuna sheegay in ay jiraan shaqaale badan oo mudan in la abaalmariyo balse ay kala horreeyaan.

Shaqaalaha ku guuleystay abaalmarinada ayaa waxaa kamid ahaa, agaasimeyaasha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee (SONNA), mudane Cali C/qaadir Cali iyo Radio Muqdisho Codka Jahmuuriyadda Soomaaliya, Mudane Yaxye Cali Faarax oo ku mudeystay abaalmarinta, hormarinta Waaxyahooda mudaddii yareed ee ay joogeen iyo dib u dayactir ay ku sameeyeen.

Ugu dambeyntii Munaasabadda ayaa shahaado sharaf lagu guddoonsiiyay Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska,Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) taas oo uu ku mudeystay wax qabadka iyo isbedeladii uu ka sameeyay Wasaaradda.

Halkaan hoose ka akhriso magacyada wariyeyaasha la abaalmariyay

CabdiXakiin Cabdi Ismaaciil

Maxamed Xassan C/raxman

Maxamed Maxamuud Fiiddow

Axmed British

Maxamed deeq Cabdi Maxamed

Maxamed Muuse Tarsan

C/raxmaan Wadani

Maa’ido Muxudiin Dhiblaawe

Aamino xuseen maxamed

Cismaan Dhiblaawe

Sugaal Macalin Maxamuud

Previous Post

AMISOM oo Agab ciidan ku wareejisay taliska Booliska Hirshabeelle

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo ka warbixisay duqeyn ka dhacday Sh/Hoose

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo ka warbixisay duqeyn ka dhacday Sh/Hoose

Dowladda Soomaaliya oo ka warbixisay duqeyn ka dhacday Sh/Hoose

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

April 19, 2026
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa shir-guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee hoggaanka sare ee Wasaaradda...

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

April 19, 2026
0

Shirweynihii Midowga Baarlamaanada Adduunka ee ka socday magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga ayaa maanta lasoo gaba gabeeyey, waxaana shirkaasi Soomaaliya...

Midowga Africa oo si adag  uga horyimi Safiirka Israa’iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland

Midowga Africa oo si adag uga horyimi Safiirka Israa’iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Midowga Afrika ayaa si adag uga horyimid safiirka ay Israa'iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland,tallaabadaas oo dhalisay hadal-hayn siyaasadeed...

Wasiirka Gaashaandhigga oo xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda midkii hore

Wasiirka Gaashaandhigga oo xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda midkii hore

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda, Mudane Yuusuf Cali...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In