Sunday, October 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo ka warbixisay duqeyn ka dhacday Sh/Hoose

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo ka warbixisay duqeyn ka dhacday Sh/Hoose
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka AFRICOM ee Mareykanka oo iskaashanaya ayaa duqeynka cirka ah ugu gaystay xagjiriinta Alshabaab meel u dhaw tuulada Gandarshe ee gobolka Shabeelada Hoose .

Duqeyntan oo aad looga soo baaraandagay ayaa lagu dilay afar(4) ka tirsan argagaxisada Alshabaab.

Related posts

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

October 12, 2025

DFS iyo Ciidamada AFRICOM ayaa qaadaya tallaabooyin muhiim ah oo looga gol-leeyahay ilaalinta nolosha dadka shacabka inta lagu gudajiro la dagaalanka Alqaacida iyo dabadhilifkooda Alshabaab, iyada oo si hufan loo baarayo eedayn walba oo lasoo wariyo. Ilaa hadda hubintii la sameeyey ma jirto cid shacab ah oo wax ku noqotay dhaawac iyo dhimasho midna.

Duqeyntaan ayaa ah mid lagu bartilmaameydsanayo argagaxisada si DFS  ay meesha uga saarto gaboodfallada Alshabaab islamarkaana shacabka Soomaaliyeed u helaan mustaqbal wanaagsan

Way ka go’antahay Dawladda Federaalka Soomaaliya ciidamaddeeda kala duwan ee Xoogga Dalka, Danab iyo bahwadaagooda Mareykanka la dagaalanka argagaxisada Alshabaab si loo baajiyo waxyeelada ay u gaysanayaan shacabka aan waxba galabsan ee leh rag, dumar iyo carruur oo ku dhaqan Soomaaliya iyo deriskeedaba. Dadaaladan aan ku dhawreenno shacabka iyo ilaalinta ayaa ka geddisan weerarrada fuleynimada ah ee aan loo meeldayin oo Alshabaab kula kacaan meelaha ay shacabka ku badanyihiin ee Soomaaliya.

Weerarkan ayaa imanaya ka gadaal markii ciidanka Xoogga Dalka oo fadhigoodu yahay Ceel Salini ay jabiyeen weerarkii argagaxisada Alshabaab ee kusoo qaadeen xeradooda militari.

Ku dhawaad 30 argagaxisada Ashabaab ayaa isku dayay in ay cagtamariyaan xerada militari ee halkaa dhacda, hayeeshee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa jab u gaystay.

Ma jirin cid ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo wax ku noqatay weerarkaa.  Tan ayaa waxay tusaale cad u tahay sida awoodda isdifaacidda Ciidanka Xoogga u sii kordhayso marka loo eego dagaalka ay kula jiraan argagaxisada Alshabaab

 

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Abaalmarinno guddoonsiiyay qaar kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda+Sawirro

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada Radio Muqdisho

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada , oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa maanta furtay Watashi Qaran oo socon doona...

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar u fadhiya...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

October 12, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ayaa kulan la...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In