Wednesday, March 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xariga Ka Jaray Garoonka Diyaarada Baraawe+Sawirro

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xariga Ka Jaray Garoonka Diyaarada Baraawe+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo socdaal shaqo kusoo gaaray caasimadda dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa xarigga ka jaray garoonka diyaaradaha magaalada oo si heer sare ah loo dhisay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa munaasabadda daah-furka ka sheegay in dhammeystirka dhismaha garoonka ay astaan u tahay sida dowladda Soomaaliyeed ay uga go’antahay dib-u-dhiska Soomaaliya, kaabayaasheeda dhaqaale iyo isku xirka dadka Soomaaliyeed ee ku kala nool daafaha dalka iyo dunida inteeda kale.

Related posts

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚  𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 oo  𝟓𝟎 𝐁𝐨𝐨𝐲𝐚𝐝𝐨𝐨𝐝 𝐨𝐨 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐚𝐡 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐃𝐞𝐞𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐥𝐪𝐚𝐥𝐨𝐨𝐜𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐃𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐊𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐃𝐡𝐢𝐦𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐥𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐭𝐚 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐋𝐚’𝐚𝐚n

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 oo 𝟓𝟎 𝐁𝐨𝐨𝐲𝐚𝐝𝐨𝐨𝐝 𝐨𝐨 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐚𝐡 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐃𝐞𝐞𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐥𝐪𝐚𝐥𝐨𝐨𝐜𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐃𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐊𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐃𝐡𝐢𝐦𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐥𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐭𝐚 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐋𝐚’𝐚𝐚n

March 4, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo qaabilay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo qaabilay James Swan

March 4, 2026

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay xarig jarka iyo dardar gelinta mashaariicda horumarineed ee deegaannada dowlad gobaleedka koonfur Galbeed ayaa caddeeyay in dhammmaystirka gegida Baraawe ay noqoneyso guul wayn oo sare u qaadeysa dhaqaalaha dalka, fursadna u siineysa dowladda gobaleedka Koonfur Galbeed inay adeegyada aadka loogu baahan yahay gaarsiiso guud ahaan bulshada.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa munaasabadda daah furka garoonka ka sheegay in dowladdu ay sii wadeyso mashaariicda horumarineed ee bulshada loogu adeegayo ayaa ballan qaaday in waddada isku xirta Garoonka iyo magaalada Baraawe ay dowladda federaalka dhiseyso, si ay qayb uga noqoto horumarka guud ee caasimadda dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed.

Dhismaha garoonka diyaaradaha ee la dhammeystiray oo leh waddo ay diyaaraddu ku oroddo oo dhererkeedu yahay 2km iyo dhisme loogu talagalay rakaabka, ayaa si wayn gacan uga gaysanaya horumarinta amniga, isu socodka bulshada, iyo kobcinta dhaqaalaha. Garoonka ayaa magaalada Baraawe ku xiraya suuqyada dibadda, taas oo dadka deegaanka fursad u siineysa in khayraadkooda badeed ee hodanka ah ugu suuq gaysan karaan qaybaha kale ee dalka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa bishii November ee sannadkii 2017 waxuu dhagax dhigay Mashruuca dhismaha garoonka diyaaraha Baraawe oo ay ku baxday 4.3 milyan oo doollar ayna iska kaashadeen midowga Yurub iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Previous Post

Madaxweyne Deni oo la kulmay danjiraha Jabuuti u fadhiya Soomaaliya+Sawirro

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Madasha Dhalinyarada Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Madasha Dhalinyarada Radio Muqdisho

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚  𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 oo  𝟓𝟎 𝐁𝐨𝐨𝐲𝐚𝐝𝐨𝐨𝐝 𝐨𝐨 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐚𝐡 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐃𝐞𝐞𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐥𝐪𝐚𝐥𝐨𝐨𝐜𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐃𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐊𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐃𝐡𝐢𝐦𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐥𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐭𝐚 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐋𝐚’𝐚𝐚n

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 oo 𝟓𝟎 𝐁𝐨𝐨𝐲𝐚𝐝𝐨𝐨𝐝 𝐨𝐨 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐚𝐡 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐃𝐞𝐞𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐥𝐪𝐚𝐥𝐨𝐨𝐜𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐃𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐊𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐃𝐡𝐢𝐦𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐥𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐭𝐚 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐋𝐚’𝐚𝐚n

March 4, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Abaaraha Galmudug, kuna guda jira maalintii...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo qaabilay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo qaabilay James Swan

March 4, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay ergayga...

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

March 4, 2026
0

Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatorrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) ayaa kulan wadajir ah ku ansixiyay Dastuurka...

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

March 4, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya: Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag dhan US$3.88 milyan oo ah caymiska Takaful ee xoolaha, taasoo si...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In