Saturday, July 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Guddoomiyay Shir Dhex Maray Dowladda iyo Qaramada Midoobay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
March 11, 2020
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Guddoomiyay Shir Dhex Maray Dowladda iyo Qaramada Midoobay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa guddoomiyay shir dhex maray dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo ka dhacay Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay horumarinta wada-shaqeynta ka dhexeysa dowladda iyo Qaramada Midoobay iyo sii wadidda taageerada Qaramada Midoobay ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Related posts

Saraakiil ka tirsan Xafiiska hantidhowrka oo ka qalin jabiyey Henley Business School Africa

Saraakiil ka tirsan Xafiiska hantidhowrka oo ka qalin jabiyey Henley Business School Africa

July 26, 2025
Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo si habsami leh uga socota gobolada dalka

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo si habsami leh uga socota gobolada dalka

July 26, 2025

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo Qaramada Midoobay uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay la garab taaganyihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay ku dadaasho xilli waliba in la horumariyo, lana sii xoojiyo wada shaqeynta ka dhexeysa dowladda iyo Qaramada Midoobay si loo hagaajiyo qorshaha adeegyada bulshada ee muhiimka ah lagu gaarsiinayo shacabka Soomaaliyeed.

Dhammaan mas’uuliyiinta Qaramada Midoobay ee kulanka ka hadlay ayaa dowladda ku bogaadiyay horumarrada laga sameeyay dib-u-habeynta amniga, dhaqaalaha iyo dowlad wanaagga, waxayna caddeeyeen in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay kala shaqeynayaan gaaridda hormar ballaaran oo hormuud u noqda xaqiijinta hadafyada qaran ee ummadda Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa ku-xigeenka wakiilka xogyahaya guud ee qaramada midoobay u qaabishan arrimaha Soomaaliya, ahna isku dubba ridka arrimaha gargaarka dalka, Adam Abdelmoula iyo mas’uuliyiin kale oo ka socotay UNDP, WFP, UNOPS, UNHCR, UNIDO, UNICEF, UNFPA, World Bank, FAO, IOM, OHCHR, ILO, OCHA iyo WHO.

 

 

 

Previous Post

Qorshaha Horumarinta Qaranka oo laga shiray

Next Post

Madaxweynaha Puntland oo daah- furay mashruuca waxbarashada Ifiye “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Puntland oo daah- furay mashruuca waxbarashada Ifiye “SAWIRRO”

Madaxweynaha Puntland oo daah- furay mashruuca waxbarashada Ifiye “SAWIRRO”

Saraakiil ka tirsan Xafiiska hantidhowrka oo ka qalin jabiyey Henley Business School Africa

Saraakiil ka tirsan Xafiiska hantidhowrka oo ka qalin jabiyey Henley Business School Africa

July 26, 2025
0

𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐇𝐚𝐧𝐭𝐢𝐝𝐡𝐨𝐰𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐉𝐅𝐒 waxa uu ku faraxsan yahay qalinjabinta afar xubnood oo ka tirsan Maamulka iyo Agaasinka Xafiiska...

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo si habsami leh uga socota gobolada dalka

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo si habsami leh uga socota gobolada dalka

July 26, 2025
0

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha ayaa si habsami leh uga socota magaalada dhuusamareeb ee xarunta Doad goboleedka Galmudug Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa isu diiwaangelinaya...

Faransiiska oo ku dhawaaqay inuu aqoonsan doono dowladnimada Falastiin

Faransiiska oo ku dhawaaqay inuu aqoonsan doono dowladnimada Falastiin

July 26, 2025
0

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ka dhawaajiyay, in dowladdiisa ay dhawaan aqoonsan doono dowladnimada Falastiin, taas oo uu horgayn...

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo ka wadahadlay maalgashiga iyo tamarta Cagaaran

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo ka wadahadlay maalgashiga iyo tamarta Cagaaran

July 26, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa wadahadal dhinacyo badan taabanaya kulan kula yeeshay magaalada Baku,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In