Sunday, May 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo tababar loogu soo xiray Baydhabo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo tababar loogu soo xiray Baydhabo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Maxamed, Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed “Lafta gareen” Safiirka Britain ee Soomaaliya Danjire Ben Fender, Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raagge iyo mas’uuliyiin kale ayaa tababar ugu soo xiray Baydhabo cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Ciidanka tababarka loo soo xiray ayaa madasha ku soo bandhigay dhoola tus milateri, kaasi oo ay aad ugu riyaaqeen dhamaan mas’uuliyiintii ka qeyb gashay munaasabadda.

Related posts

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saaka ee magaalada Baydhaba

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saaka ee magaalada Baydhaba

May 30, 2026
Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay xubno ka dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay xubno ka dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

May 30, 2026

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Odowaa Yuusuf Raagge ayaa tilmaamay in ciidankan ay qeyb ka noqon doonaan ciidamada loo diyaariyay sidii guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed ay uga xoreyn lahaayeen argagixisada Al-Shabaab.

Safiirka Britain ee Soomaaliya Danjire Ben Fender ayaa xusay in tani ay tahay wax lagu farxo maadaama hirgelinta tababarka ay gacan weyn ka geysatay dowladda Britain.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed “Lafta gareen” ayaa sheegay in maamulkooda ay qorsheynayaan iyaga oo kaashanaya dowladda Federaalka sidii deegaannada maamulkaasi looga cirib tiri lahaa argagixisada Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Maxamed ayaa bogaadiyay cidkasta oo gacan ka geysatay tababaridda ciidanka xoogga dalka, waxaana uu ciidamada tababarka loo soo xirayay kula dar daarmay inay si hufan u gutaan waajibaadka loo igmaday ee ah difaaca dalka iyo sidii dhagar qabayaasha Al-Shabaab guud ahaan dalka looga cirib tiri lahaa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka go’an dhismaha ciidanka qalabka sida iyo hirgelinta xarumo cuusb oo laga yegleelayo gobollada dalka, si loo dar dargeliyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post

Safaaradda Soomaaliya ee Switzerland oo billoowday bixinta Baasaboorka Soomaaliga “Sawirro”

Next Post
Safaaradda Soomaaliya ee Switzerland oo billoowday bixinta Baasaboorka Soomaaliga “Sawirro”

Safaaradda Soomaaliya ee Switzerland oo billoowday bixinta Baasaboorka Soomaaliga "Sawirro"

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saaka ee magaalada Baydhaba

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saaka ee magaalada Baydhaba

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada Soomaaliyeed la wadaagayaa in Ciidanka Qaranka ay saaka aroortii fashiliyeen...

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay xubno ka dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay xubno ka dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyey liiska saddexda (3) xubnood ee ka haray xubnaha ku guulaystay kuraasta Golaha Wakiillada ee...

Soomaaliya iyo Ruushka oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca ee labada dal

Soomaaliya iyo Ruushka oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca ee labada dal

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cali Cabdi, oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Moscow ee...

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarradii ka dhacay dalka Kuwait

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarradii ka dhacay dalka Kuwait

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujineysaa garab istaag buuxa oo ay la garab taagan tahay Dowladda walaalaha ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In