Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda federalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxaan Ducaale Bayle oo maanta shir jar’id warbaahinta u qabtay ayaa waxa uu sheegay in 25-ka bishaan hay’adda lacagta aduunka ee IMF ka cafinayso dayntii ay Soomaaliya ku lahayd.
Waxa uu sheegay wasiirka in bangiga aduunka iyo bangiga hormarinta afrika ay Soomaaliya u cafiyeen inta badan lacagihii ay kulahaayeen balse ay hartay kaliya IMFta.
Waxa uu sheegay sidokale in arimaha Deyn Cafinta soomaaliya ay garab ku siiyeen dalalka ingiriska , Norway iyo talayaaniga oo bixiyay inta badan lacagtii lagu lahaa soomaaliya.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in soomaaliya hada loo ogoleyn in ay qaadato deyn iyagana aysan qaadanayn wax deyn ah blsa badalkeda ay helayan lacaga deeq ah.