Wednesday, October 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kalluumeysatada Degmada Hobyo oo dooman casri ah loogu deeqay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Kalluumeysatada Degmada Hobyo oo dooman casri ah loogu deeqay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hey’adda Qaramada Midoobay u xilsaaran Cunnada iyo Beeraha (FAO), ayaa laba doon kalluumeysi oo casri ah waxa ay ugu deeqday qaar kamid ah kalluumeysatada degmada Hobyo ee gobalka Mudug ee dowlad gobaleedka Galmudug.

Mashruuca ka hortagga burcadbadeednimada ee bulshooyinka xeebaha (CCAP) ayaa fuliyay tababar shan maalin qaatay oo ay u sameeyeen kalluumeysatada Hobyo ka hor inta aan doomaha lagu wareejin, kaasoo ku bareen bed-qabka kalluumeystada xilliyada ay kalluumeysanayaan iyo wadidda doomaha casriga ah.

Related posts

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

October 15, 2025
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

October 15, 2025

Madaxda Wasaaradda Kalluumeysiga Galmudug iyo maamulka degmada Hobyo oo ka mahadceliyay tababarka iyo deeqda doomaha ah ee qaybta ka qaadanaya shaqo abuurka, kobcinta dhaqaalaha iyo yareynta burcad-badeednimada, ayaa dalbaday in la sii wado kaalmeynta iyo tababarrada kalluumeystada iyo Iskaashatooyinka, si loogu guuleysto hadafyada waa weyn ee la hiigsanayo.

Bulshada degmada Hobyo oo sidoo kale farxad ku soo dhaweeyay kaalmada doomaha ah iyo tababarkii ka horreeyay, ayaa codsaday in la joogteeyo dhirrigelinta bulshada si ay uga faa’iideystaan kheyraadka badda kujira.

Horay ayaa FAO waxay tabarrucaad sidaan oo kale ah iyo tababarro ugu sameysay kalluumeysatada degmada Hobyo iyo deegaanno kale, kuwaas oo ay ka faa’iideysteen qoysas badan oo Soomaaliyeed oo nololshooda iyo nolosha deegaannadooda wax badan ka bedelay.

Previous Post

Safiirka Soomaaliya ee Dalka India oo warbixin ku saabsan COVID-19 u jeedisay Soomaalida India ku nool

Next Post

Ciidamada Xoogga Dalka oo burburiyay saldhigyo maleeshiya Al-Shabaab ay ku lahaayeen Gobolka Jubbada Hoose “Dhageyso”

Next Post
Ciidanka Xoogga Dalka Oo Kaabiga Kuhayo Degmooyinka Kuntuwaareey iyo Sablaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka oo burburiyay saldhigyo maleeshiya Al-Shabaab ay ku lahaayeen Gobolka Jubbada Hoose “Dhageyso”

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

October 15, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa ku heshiiyay in baasaboorada diblumaasiga ee labada dal laga dhaafo shuruudda dal-ku-galka, kaddib...

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

October 15, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa maanta ka qeyb galay Shirka 72-aad...

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

October 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa ka qeybgalay Shirka...

Duqa Muqdisho oo vasho sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

Duqa Muqdisho oo vasho sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

October 15, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xalay casho sharaf ku maamuusay Guddoomiyaha Golaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In